Ila Qosolkaan Madaxweeynaha Mareykanka , Ruushka Iyo Soomaaliya..
Monday October 10, 2011 |
Filed under: Sheekooyin |
Posted by: Hassan
Viewss: 1874
Waxaa diyaarad wada sarnaa Madaxweynayaasha Mareykanka, Ruushka iyo Soomaaliya.
Madaxweyna kasta wuxuu sheegay in uu joogo waddankiisa markii ay diyaaradda dul mareysay.
Haddaba waxaa la weydiiyay sida ay ku garteen.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa yiri : Anigu waxaa gacanta ka bixiyey daaqadda(Shubaakada)diyaarada markaas ayaan taabtay daarihii New York sidaa ayaan ku gartay in aan joogo Mareykanka .
Madaxweynihii Ruushka ayaa isagana yiri: Anigu markaan gacanta daaqadda ka bixiyey waxaan dareemay qabowga Mosco sidaa ayaan ku gartay in aan joogo Ruushka.
Madaxweynihii Soomaaliya ayaa isagana yiri: Anigu markaan gacanta ka bixiyey daaqadda waxaa leyga furtay Saacaddii aaan watay sidaa ayaan ku gartay in aan joogo waddankeyga Soomaaliya.
Anagu Qosolnaye adigana nala qosol Gah Gah Gah Gah Gah.
codka Muqdisho
Muqdisho Soomaaliya
Fadlan noogu soo dir wixii sheeko ah ee aad inoo haysid si aanu kuugu soo daabacno
codkamuqdisho@live.com