AC Milan oo ka hari weysan Kaka, xilli ay wadahadaliisu marayaa marxadihii u dambeeyey.
Tuesday August 08, 2012 |
Filed under: Sports |
Posted by: Admin
Viewss: 189
Waa warqad furan in laga yaabo inuu mar kale kusoo laabto San Siro, waxaana rajo ka muujiyey madaxweyne ku xigeenka kooxda AC Milan.
Adriano Galliani ayaa rajeynaya inuu arbacada wadahadalo la yeehso madaxweynaha kooxda Real Madrid President Florentino Perez, iyadoo kooxda ka dhisan Spain ay Lugta labaad ee Spanish Super Cup garoonkeeda Bernabeu ku qaabileyso Barcelona, Galliani ayaana maanka ku haya inuu kubad sameeyaha reer Brazil kusoo qaato si amaah ah, kaasoo geesi ka ahaa San Siro lix sano oo uu joogay ka hor inta uusan qaab ciyaareedkiisii ku lumin kooxda Jose Mourinho ee Merengues..
Si kastaba, Gazzetta dello Sport ayaa werineysa in Gilliani uu niyad wanaagan ka muujinayo marka uu tago caasimada Spain uuna ka rajeynaya wax yaabo hurumar leh.
AC Milan ayaa la tusay waxa ay tabeyso markii gurigeeda lagu garaacay waxaana sidaasi ku sameysay koox ka timid Serie B, waa Sampdoria oo 1-0 ugu awood sheegatay.