Daawo:Ciyaaryahan Udhashay Dalka Ruukhka Oo Ficil Laga Xumaaday sameeyay.

0
Thursday February 18, 2016 - 10:00:10 in Wararka
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Ciyaaryahan Udhashay Dalka Ruukhka Oo Ficil Laga Xumaaday sameeyay.

    Xiriirka kubada cagta ee UEFA ayaa lagu wadaa inay ganaax adag dul dhigaan mid ka mid ah Laacibiinta Qaranka Ruushka una ciyaara kooxda Lokomotive Moscow kaas oo indha adeeg la yimid magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiriirka kubada cagta ee UEFA ayaa lagu wadaa inay ganaax adag dul dhigaan mid ka mid ah Laacibiinta Qaranka Ruushka una ciyaara kooxda Lokomotive Moscow kaas oo indha adeeg la yimid magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Hadal heeynta ugu badan Saxaafada Caalamka ayaa noqotay ciyaaryahan Dimitri Tarassow oo qadka dhexe uga ciyaara Qaranka Ruushka iyo kooxda Lokomotive Moscow kaas oo la soo baxay Funaanad ama maaliyad uu ku soo qortay sawirka Madaxweyne Putin wuxuuna ku amaanay sidatan " Waa Madaxweynaheyga waana kan Dunida ugu wacan "

Xidigaan oo ganaax adag muteeysan doona ayaa waxaa lagu eedeeyay in uu isku qalday arimaha Siyaasada iyo Kubada cagta wuxuuna ficilkaan sameeyay kulankii dhex maray kooxaha Fenerbahce Vs Lokomotive Moscow kaas oo 2-0 looga badiyay kooxda reer Ruush ee Lokomotive Moscow wuxuuna kulankaan ka tirsanaa koobka UEFA Europa League .

Xiriirka Kubada cagta dalka Ruushka ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaan (RFS) ayaa si weyn Turkiga uga raali galiyay ficilkii xumaa ee uu kula kacay ciyaaryahan Dimitri Tarassow waxeeyna balan qaadeen inay ka fadhiisin doonaan ciyaaraha caalamiga ah .

Sidoo kale Xiriirka kubada cagta ee Qaarada Yurub ( UEFA) ayaa aad u cambaareeyay ficilka uu ku kacay laacibkaan qadiyada Putin qaaday . Wadamada Ruushka iyo Turkiga ayaa bilahaan dambe waxeey iskugu kacsan yihiin si aad ah tan iyo markii uu Turkiga soo riday diyaaradii dagaal ee laga lahaa dalka Ruushka , waxeeyna dalalkaan siyaasad ahaan isku mari la yihiin qaabkii looga howl gali lahaa dagaalada ka socda gudaha dalka Siiriya .









Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip