Daawo:FC Barcelona oo markii 3-aad taariikhda qaaday koobka Qaaradaha.

0
Sunday December 20, 2015 - 18:18:55 in Wararka
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:FC Barcelona oo markii 3-aad taariikhda qaaday koobka Qaaradaha.

    Kooxda kubada cagta Catalonia Fc Barcelona ayaa markii 3-aad taariikhda ku guuleeysatay koobka Qaaradaha Aduunka ee FIFA Club World Cup oo maalmahaan dambe si xiiso leh uga socday dalka Japan gaar ahaan magaalada Yokohama .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda kubada cagta Catalonia Fc Barcelona ayaa markii 3-aad taariikhda ku guuleeysatay koobka Qaaradaha Aduunka ee FIFA Club World Cup oo maalmahaan dambe si xiiso leh uga socday dalka Japan gaar ahaan magaalada Yokohama . Fc Barcelona oo Fiinaalkii koobkaan 3-0 ku garaacday naadiga reer Argentina ee River Plate waxaa goolasha u kala saxiixay Laacib Lionel Messi (daqiiqadii 36-aad) iyo weeraryahan Luis Suarez oo labo gool kala dhaliyay (daqiiqadihii 49-aad iyo 68-aad) .

Naadiga Catalonia FC Barcelona ayaa taariikh ahaan koobkaan waxeey qaadeen sanadihii 2009 , 2011 iyo hada oo lagu jiro 2015-ka . Guud ahaan kooxda Fc Barcelona ayaa sanadkaan waxeey qaaday isku dar 15-koob oo muhiim ah .

Dhinaca kale Luis Suarez ayaa ku guulaystay abaal marinta xidigii ugu fiicnaa koobka kooxaha aduunka ee Japan ka socday kadib markii uu laba kulan ku dhaliyay shan gool isla markaana uu Barcelona ka caawiyay in ay markii saddexad ku guulaysto koobka kooxaha aduunka ee FIFA Club Word Cub 2015.Luis Suarez Goal

Suarez ayaa noqday xidigii taariikhda ugu horeeyay koobks kooxaha aduunka ka dhaliyay shan gool hal tartan oo kaliya wuxuuna ku guulaystay kubbada dahabka ah isaga oo abaal marintan ku garaacay Lionel Messi iyo Andres Iniesta oo kaalmaha labaad iyo saddexaad kala galay sida ay kula horeeyaan.











Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip