DHAGEYSO:-Suxufiga Cawaale Jaamac Salaad oo ku Dhawaaqay inuu yahay Musharax u Taagan Xilka Duqa Boosaaso!.

0
Wednesday July 29, 2015 - 21:07:37 in Wararka
  • Visits: 1276
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DHAGEYSO:-Suxufiga Cawaale Jaamac Salaad oo ku Dhawaaqay inuu yahay Musharax u Taagan Xilka Duqa Boosaaso!.

    Cawaale Jaamac Salaad, oo ka mid ahaa Wariyayaashii Puntland ugu caansanaa horey neh ugu soo howl galay Tv-gii ETN iyo Idaacado Gudaha iyo Dibada ah ayaa maanta isagoo ku sugan Magaalada Garowe ee Xarunta Dowlada Puntland, waxa uu ku dhawaaqay in uu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cawaale Jaamac Salaad, oo ka mid ahaa Wariyayaashii Puntland ugu caansanaa horey neh ugu soo howl galay Tv-gii ETN iyo Idaacado Gudaha iyo Dibada ah ayaa maanta isagoo ku sugan Magaalada Garowe ee Xarunta Dowlada Puntland, waxa uu ku dhawaaqay in uu yahay Musharax u taagan qabashada Xilka Duqa Degmada Boosaaso.
Musharax Cawaale oo mudoonyinkii ugu danbeeyay ku noolaa qurbaha, isla markaana la soo shaqeeyay Hay’ado ka tirsan Midowga Yurub ayaa sheegay in uu fursad weyn u heysto qabashada Gudoomiyaha Golaha Deegaanka  ahne Duqa Magaalada Boosaaso.

Wuxuu sidoo kale sheegay in uu taageero weyn ka heysto dadka degan Gobolka , isagoo rajo wanaag ka muujiyay in uu xilkaasi ku guuleysan doono.

Cawaale ayaa balan qaaday hadii loo doorto xilkam in uu wax weyn ka qaban doono arimaha Amaanka, Dhaqaalaha , Horumarinta Bulshada iyo Daryeelka Caafimaadka.


Cawaale Jaamac , ayaa waxa uu ku biirayaa Musharaxiin tiro badan oo doonaya in ay Tartan u galaan qabashada Duqa Degmada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari.

Halkan ka dhageyso Wareysiga aa la yeelanay Cawaale Jaamac Salaad


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip