DAAWO: Ururka UMIS oo Afur guud u sameeyey dadka soomaaliyeed ee ku nool magaalada Borlänge Sweden.

0
Monday July 13, 2015 - 21:02:28 in Wararka by Hassan Liisho
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DAAWO: Ururka UMIS oo Afur guud u sameeyey dadka soomaaliyeed ee ku nool magaalada Borlänge Sweden.

    Afur guud oo ay isku soo dubbarideen Hawlwadeenada Ururka UMIS ayaa caawa oo Axad ah ka dhacay hool wayn oo ku yaalla Xaafadda Tjärnänga ee magaalada Borlänge(Sweden).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afur guud oo ay isku soo dubbarideen Hawlwadeenada Ururka UMIS ayaa caawa oo Axad ah ka dhacay hool wayn oo ku yaalla Xaafadda Tjärnänga ee magaalada Borlänge(Sweden).

Kulankan oo ahaa mid si heer sare loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada; dhallinyarada, haweenka, waxgaradka, cuqaasha, odayaasha, siyaasiyiinta iyo bulshowayn kale oo fara badan.

Waxaa ugu horrayn halkaa hadal kasoo jeediyey Mudane C/laahi Sheekh Cali oo ka mid ah madaxda sare ee Ururka isagoo aad ugu mahadceliyey dhammaan martisharaftii kasoo qayb gashay xafladda Afurka, intaa dabadeed waxaa hadalkii qabsaday Ing Abuukar oo ka mid ah cuqaasha magaalada isagoo xusay muhiimadda ay leedahay isu imaatinka iyo wax-wada cunka iyadoo weliba lagu jiro bishii barakaysnayd ee Ramadaan.

Ingineerku waxaa uu carrabka ku dhuftay dhowrista iyo ka shaqaynta danaha bulshada sidaa si la mid ah nabadgelyada iyo xasilloonida degaanka. 

Abuukar waxaa ammaan usoo jeediyey Ururka UMIS oo taabba-geliyey dhammaan hawlihii socday ee bulshada loogu adeegayey iyo sidii hufnayd ee ay ugu istaageen waxqabadka dadkooda iyo degaankooda. 

Martisharaf kale oo miisaan ku leh bulshoweynta ku dhaqan magaalada ayaa sidoo kale hadallo qiimo leh kasoo jeediyey goobta.

Ugu dambayn waxaa hadalkii soo gunaanaday Gudoomiye ku xigeenka Ururka Mudane Maxamed C/kariin isagoo u mahadceliyey dhammaan martisharaftii goobta fadhiday Allena uga baryey naxariis iyo dambi-dhaaf.






































Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip