DAAWO:Soomaalida Borlänge oo u istaagtay badbaadinta sharafkooda ka dib markii la isku dayey in la gubo Iskuul ku yaala xaafadooda.

0
Wednesday July 08, 2015 - 18:32:14 in Wararka
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 1
  • Share via Social Media

    DAAWO:Soomaalida Borlänge oo u istaagtay badbaadinta sharafkooda ka dib markii la isku dayey in la gubo Iskuul ku yaala xaafadooda.

    Kadib markii la iskudayey in lagubo iskuul xannaano ilmaha yaryar oo kuyaallo xaafadda ay Soomaalidu kubadantahay ee Tjärna Ängar, Borlänge ayaa Ururka Umis iyo waalidiin badan oo daggan xaafadda iyo agagaaraheeda ay go'aan ku gaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib markii la iskudayey in lagubo iskuul xannaano ilmaha yaryar oo kuyaallo xaafadda ay Soomaalidu kubadantahay ee Tjärna Ängar, Borlänge ayaa Ururka Umis iyo waalidiin badan oo daggan xaafadda iyo agagaaraheeda ay go'aan ku gaareen inay sammeeyaan wareeg habeenkii oo dhan ah oo lagu xaqiijinayo amaanka iskuulkaasi.

Laga billaabo saacadda 17.00 ama 5:00-galbanimo illaa waabarigii ayaa bannaanka lajoogaa laguna wareegaa goobaha looga cabsi qabo in waxyeelo loo geysto, waxaana qaswadayasaha ay mar waliba isku dayayaan ineey fursad u helaan ineey qas iyo qal qal galiyaan goobaha iskuulada dadka dhan u dhaxeeya.

Waalidiin badan oo rag iyo dumarba leh iyo dhallinyaro da’ yaryar ayaa isu xilqaammay inay kahortagaan qalalaase dhaco iyo inaan lagubin dhismayaasha waxbarashada iyo waliba guryaha ay dadku kunool yihiin.

Dadka soo jeeda ee xafadda kuwareegayo ayaa ayagoo koox koox usocda dhaxmara xaafadda indho indhayna kusammeeya goobaha loo cabsida qabo.

Nasiib wanaaga wax dhiba lalama kulmin, dadkii qaska wadayna way iska bidhaan qarsoomin oo sida muuqata waxay ubaahanyihiin meel cidla ah oon cidna arkayn si ay wax u kharribaan, laakiin meel labatameeyo qof oo wada shaqaynayso ay goobjoog yihiin way adag tahay cid arbushaad la iman karto.

Tallaabadan ayaa aad loogu riyaaqay dhiirigalinna unoqotay dad badan oo cabsi kaqabay in ladhibaateeyo, xaafaddiina waxay u keetaya xaafad ay dadkeeda maamulaan oon laga aqbalayn qalalaase iyo kahrbudaad midna.

Ka dib markii aan u kuur galnay dhaqdhaqaaqa jaaliyada Soomaalida ku nool magaalada Borlänge ayaa saacad waliba waxaa goobta shaqada ka socota kusoo biiraya dad iskood isu xilqaamay oo doonaya ineey ka qeyb qaateen iyadoo is diiwaan galinta ay socoto ayna doonayan ineey ka qeyb galaan waardiyeynta iyo ilaalinta sharafta iyo sumcada Soomaalida.

Dowlada Sweden ayaa usoo dirtay Booliis iyo waardiyeyaal gooni ah kuwaasoo wada shaqeyn kala dhaxayso Jaaliyada Soomaalida ee iskood isu taagay iyadoo hal meel laga wada duulayo isla markaana isku hadaf la wada yahay.



Dhanka kale Afur guud oo ay isku soo dubbarideen Hawlwadeenada Ururka UMIS ayaa caawa oo Axad ah ka dhacay hool wayn oo ku yaalla Xaafadda Tjärnänga ee magaalada Borlänge(Sweden).

Kulankan oo ahaa mid si heer sare loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada; dhallinyarada, haweenka, waxgaradka, cuqaasha, odayaasha, siyaasiyiinta iyo bulshowayn kale oo fara badan.

Waxaa ugu horrayn halkaa hadal kasoo jeediyey Mudane C/laahi Sheekh Cali oo ka mid ah madaxda sare ee Ururka isagoo aad ugu mahadceliyey dhammaan martisharaftii kasoo qayb gashay xafladda Afurka, intaa dabadeed waxaa hadalkii qabsaday Ing Abuukar oo ka mid ah cuqaasha magaalada isagoo xusay muhiimadda ay leedahay isu imaatinka iyo wax-wada cunka iyadoo weliba lagu jiro bishii barakaysnayd ee Ramadaan.

Ingineerku waxaa uu carrabka ku dhuftay dhowrista iyo ka shaqaynta danaha bulshada sidaa si la mid ah nabadgelyada iyo xasilloonida degaanka. 

Abuukar waxaa ammaan usoo jeediyey Ururka UMIS oo taabba-geliyey dhammaan hawlihii socday ee bulshada loogu adeegayey iyo sidii hufnayd ee ay ugu istaageen waxqabadka dadkooda iyo degaankooda. 

Martisharaf kale oo miisaan ku leh bulshoweynta ku dhaqan magaalada ayaa sidoo kale hadallo qiimo leh kasoo jeediyey goobta.

Ugu dambayn waxaa hadalkii soo gunaanaday Gudoomiye ku xigeenka Ururka Mudane Maxamed C/kariin isagoo u mahadceliyey dhammaan martisharaftii goobta fadhiday Allena uga baryey naxariis iyo dambi-dhaaf.








 

 




































Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip