Akhriso Maqaal: Imaaraadka & Abaabulka Dagaal Ee Uu Ka Wado Soomaaliya W/Q: Mowliid Xaaji Cabdi

0
Saturday July 04, 2015 - 21:07:04 in Wararka
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso Maqaal: Imaaraadka & Abaabulka Dagaal Ee Uu Ka Wado Soomaaliya W/Q: Mowliid Xaaji Cabdi

    Doraaad Puntland & Dawlada Dhexe, Shalay Jubba, Maanta Somaliland Berina Galmudug & Koonfur Galbeeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Doraaad Puntland & Dawlada Dhexe, Shalay Jubba, Maanta Somaliland Berina Galmudug & Koonfur Galbeeed.
Hadda ka hor deegaan ka mid ah gobalada dhexe ee dalka ayaa laba nin oo Geeljire ah oo maalinkii oo dhan siday geel u raacayeen daal iyo hurdo badani hayo waxay isku tureen Golihii geella meel geestiisa ah oo bawd ah, cunto karis lagama gaarin  oo nin walba gacantiisa ayuu barkaday isagoo madaxa go’ ku duuduubtey, waa rag daalan’e hadal iyo hawraar la iskuma hawlin oo hurdo ayaa loo hamuun qabaa.

Haddii in mudo ah ninba uu quuro la dhacay ayaa mid ka mid ah gaajo qabatay , wax kale oo afka la saaro umma diyaarsana aan ka ahayn caano ugu jiray dhiil yar 8 koombo qaad ah, inta dhiishii uu aabuurka ka qaaday ayuu haruubka ka buuxsaday caano dhay ah oo galabtii ay soo liseen, markii uu laba jeer ka laaca ayuu saaxiibkiis eegay waa xilli dayax 15-aad ah cirka bartankiisa joogo wuxuu u jeedaa saaxiibkiis oo bogga iyo beerku isku dhegan yihiin illeyn go’a iyo macawista uu ku duuduuban yahay uma asturin caloosha oo waxaa loo jeedaa in gaajo xun ay hayso.


Inta caanihii uu ka soo buuxiyey haruubkii ayuu saaxiibkiis hurdadda ka toosiyey markii uu kacay ayuu u dhiibay haruubkii caanuhu afka joogeen, ninkii hurdada laga kiciyey isagoon ju’ oran ayuu caanihii dhamid ugu dhaqaaqay markii uu ka soo jeestey toobtihii ayuu geesaha inta fiirfiiriyey halkii laga sugayey mahadcelin wuxuu hal mar la soo booday "Caano iguma miri jirin’e ma doorshaanbaa uga dhacay” wuxuu ula jeedaa caano habeen barkii iiguma kicin jirn’e ma bahalka doorashaanka ama x**r-walwaalka.

Sheekadan waxaan uga danleeyahay billooyinkii la soo dhaafay dawlada Imaaraadka Carabta oo aad moodo inay hurdo ka soo toostey ayse u badan tahay maskax kale oo ajanabi inay ka dambayso waxay wadanka Soomaaliya ku soo daabulaysaa hub iyo saanad ciidan oo lagu sheegay ‘Deeq’ aniguse aan u arko colaad hurid, hub isugu dhiibid, abaabul dagaalo dambe oo umulo doox ah oo Soomaalida ka dhex dilaaca oo ha isku dhamaato.

25 sano oo ay Soomaalidu ku jirtey dagaallo sokeeye oo ahli oo maskax iyo miyiri aan looga fiirsan, dagaallo ay ku lug leeyihiin shisheeye danno kala duwan dalka ka leh, iyo kuwa ku salaysan faragalin ciidan aynna ku qurbaxeen kumanaan kun oo Soomaali, tiro ka sii badan ku naafoobeen intaasi in kale oo ka sii badanna ay ku barakacday Imaaraadku wuxuu uggu horreeyey dalal Carbeed ama Islaam ah oo Soomaalida aan wax gurmad ah oo wax ku ool ah u fidin haddii ay ahaan lahayd
·       Colaada iyo dagaallada oo la joojiyo laguna badalo dib u heshiisiin iyo nabad waarta
·       Gargaar loo fidiyo dadka dhaawacyada halista ah ka soo gaaraan dagaallada
·       Taageero diblumaasiyadeed oo ay Soomaalidu uga baahnayd dawladahaas xilli shirar iyo miisas ay fadhiyaan dalal gafane ah oo ka faa’idaysanaya burburka Soomaaliya sidii ay doonaan uga soo saaara go’aan aayaha iyo mustaqbalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
·       Gurmad in Soomaalidu waxsoo saarkeeda ay qaadato amase ay dunida ugu qalqaaliso waxayse taasi badalkeedii dhiirigalisay in ay gurato dhuxusha laga dhaliyo dhirtii iyo kaymihii Soomaaliyeed oo dab lagu baabi’iyey.

Intaasi oo ay hagrosho ah oo ay dawlada Imaaraadka Carabtu nagu haysay iyo isko indho saab ah waxay hadda bilowday in ay Soomaaliya sida raashin iyo daawo u qaybiso hub iyo gaadiid dagaal waqti xummada iyo qandhada qabyaaladu ay marayso figtii uggu sarreysay aynna god dheer ka sii laadlaado rajadii dawlada midnimo qaran oo ay Soomaalidu ku tilaabsato.



Sanadkan gudihiisa iyo kii ka sii horeeyey waxay Imaaraadku hub iyo qalab ciidan geeynayeen deegaanno kala duwan waxaa uggu horreysay Puntland ay agab dagaal iyo saanad military ku taageereen iyagoo gacan ku lahaa ciidamo la magac baxay Sarecan oo laga dhisay Puntland iyo qalabaynta ciidamada Puntland iyagoo lagu macneeyey heshiis ku salaysan la dagaalanka burcad badeed.

Horaantii sanadkan waxay Imaaraadku Carabtu hub iyo gaadiid dagaal geeyeen magaalada Muqdisho iyagoo ku tilmaamay inay taageero siinayaan dawlada Soomaaliya, waxaase todobaadyo ka dib ay sidii oo kale hub iyo agab kale oo ciidan ka dajiyeen magaalada Kismaayo , kaasi oo ay ugu deeqeen maamulka Jubba.

Todobaadkan waxay si la mid ah arrimaha kor ku xusan hub iyo gaadiid dagaal ka dajiyeen dekada Barbara waxayna ku tilmaameen in ay ka caawinayaan maamulka Somalilnad arrimaha amaanka.

Iswaydiintu waxay tahay saannadan iyo agabkan ciidan ee Imaaraadku sida daawadii ugu qaybinayo Soomaalida maxay ka macno tahay?.



Waxaan iswaydiiyey Imaaraadka Carabta oo ah dawladaha nidaamka Federaalka ku dhaqmay ee ku faa’iday ma waxay ka qabaan walwal in Soomaaliya Federaalka qoorqabadka ah uu u horseedo barwaaqo iyo horumar dhaliya in Dubai suuq-xiran ku yimaado! Waase haddii aynnu caqli leenahay’e?


Waxaynnu la soconaa in Imaaraadka Carabta uu ka mid yahay wadamada aadka uggu dhegaha nugul Ameerikaanka, isla markaana talaabo aanay raali ka ahayn qaadi karin, iskaba daa inay hub bixiyaan’e haddaba ma talaabo kale oo qayb ka ah faragalinta dawladaha Mareykanka iyo kuwa kale ku hayaan Soomaalida lana doonayo in deganaansho la’aantu sii socoto oo dagaalladu daba-dheeraadaa?

Waxaa dad badan oo Soomaaliyeed su’aalo iska waydiinayaan xilligan oo dalku qarka u saaran yahay dagaallo sokeeye oo ku salaysan maamul goboleed aynna xiisad siyaasadeed oo aad kacsan ka taagan tahay wadanka loohu ogolaanayo in hub gacanta loo galiyo maamulo iska soo horjeeda, maalin kasta hanjabaad iyo cago-juglayn hawada isu marinaya, albaabadii dib u heshiinta iyo wadahadalka midba midka kale ka xirtey dib u qiimee, Puntland & Somaliland, Somaliland iyo Khaatumo, Puntland & Galmudug, Puntland & dowlada dhexe, Jubbaland iyo dawlada dhexe, Koonfur Galbeed & Jubbaland,  Dowlada dhexe & Koonfur Galbeed.


24 sano ka hor hub aan tayo badan lahayn oo laga helay dawladii kacaanka markii ay burburtey waxaan isku xasuuqaynay sanooyin badan tiiyoo ay u sii dheertahay hub ka yimid Itoobiya, Eritareeya, Yemen, Kenya, Ameerika, Liibiya & kuwa kale.

Wal-walka jiraa wuxuu yahay haddii Soomaalidu qabiil qabiil iyo ururo ku salaysan qabyaalad isku laynaysay 25 sano haatan oo ay soo baxday mowjad kale oo colaadeed oo ah maamul goboleedyo Federaal qabiil ku salaysan Imaaraadka Carabta iyo aduunyadu ma waxay u xiiso qabaan inaan dhiigeennu iska shaxleeyo oo mididu naga dhex qoyaanato oo buntuqu bam-bamta aan isugu hayno.

Sanadkii 2013-kii dood Telefishin oo aan ka qayb galay oo looga hadlayey cunaqabatayna hubka ee Soomaaliya laga qaaday ka dib doorashadii 2012-kii dhacday waxaan xusay in Soomaaiya aanay u baahnayn in loo sacabo tumo oo lagu farxo in xayiraadii hubka la qaaday, waxana u sababeeyeey arintaas in hub iyo saanad ciidan oo dhibaato keeni doonta dalka la soo galin doono, in dalkeennu aannu u baahnayn hub cusub oo la soo galiyo balse loo baahan yahay in kii hore oo gacanta ugu jira shacab fara badan, maamulo is-diidan oo colaad isku qaba la ururiyo.

Macnuhu wuxuu yahay dalkeennu uma baahnna hub hor leh, wuxuu u baahan yahay dib u heshiisiin dhab ah oo dadka walaalaha la dhex dhigo, tanaasul la isku samro, is-cafis guud iyo baadigoobka midnimo Qaran oo ku timaada isu garawsho , kala garqaadasho iyo badbaadin dad & dal.

Soomaaliya waxay u baahan tahay dalwada midnimo Qaran oo ku salaysan in xukunka la qaybsado intii dalka lakala qaybin lahaa, dhismaha cudud ciidan oo ay u dhan tahay Soomaalidu oo aan qoys iyo qabiil gaar ah awoodiisa isku kooban kuna waxyeelayn inta kale, ciidan loo tababaro wadaniyad iyo ALLE ka cabsi iyo inay difaacaan dalka , uma baahnna dhiirigalinta iyo dhismaha dawaldo yar yar oo col isku ah oo hub gacanta loo galiyo waxay taasi noqon doontaa 25 sano oo kale oo horleh oo colaad iyo dagaal aakhirka halis galiya madaxbanaanida haatannba ulaha booca ah ku tukubaysa horseeda.

Culima’udiinka, aqoonyahanadda, ururada bulshada & cid kasta oo ka damqanaysa ibtilidan maanta aloosan waxaa la gudboon inaanay indhaha ka eegan halistan soo food leh, dhibaatada soo muuqata ILAAHAY wuxuu nagula xisaabtami doonnaa waxa wanaag iyo khayr ah ee aan sameynno inaan eegganno oo dibnaha ka qabsanno cawaaqibxumada taagan iyo tan soo socotaa waa masuuliyad darro aad u wayn.
Dawlada Imaaraadka Carabta & kuwa kale ee xilligan hubka Soomaaliya ku soo daabulaya waa in loogu baaqaa inay joojiyaan, waa in magaalo kasta iyo wadammada dibada ee ay Soomaalidu ku nool yihiin laga abaabulaa banaanbaxyo balaaran oo lagu diidan yahay hubka dalka ku soo qulqulaya.

Ha ku farxin, hana u sacabo tumin in maanta siyaasiga beeshaada hub gacanta loo galiyey ku xisaabtan xanuunka uu u gaysan doono shacab adiga kula mid ah, ku xisaabtan inta hooyo uu gablan ka dhigi doono, ku xisaabtan inta awlaad uu Aabo & Hooyo la’aan dhigi doono, ku xisaabtan inta keeni doono wiilal dhalinyaro ah dhimasho iskaba daaye uu lixaad tiro qaarkoodnna saxarada laga qaado ka dib markii ay ku dhaawacmaan iyagoo difaacaya danaha beesha siyaasigii ay u dagaalamayeen kaasi oo aan daryeeli doonin oo haddii ay noqon lahayd daawo iyo daryeel waalidkiis oo danyar ah lagu dayaci doono.

Waad mahadsantihiin:

W/Q: Mowliid Xaaji Cabdi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip