Daawo:Cayaaryahan Qatar Ku ah Ciyaaraha Barafka Oo Hees Cajiib ah Sooqaaday.

0
Tuesday December 02, 2014 - 19:30:06 in Sawirka Maanta by Super Admin
  • Visits: 1082
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Cayaaryahan Qatar Ku ah Ciyaaraha Barafka Oo Hees Cajiib ah Sooqaaday.

    Cabdullaahi Cilmi Oo ku Magacdheer (Cabdullaahi Aaltoos) Waa Fanaan Codmacaan runtiina ay ka muuqato jaceylka Fanka uu uhayo, da'adiisu aad ayay uyartahay inkastoo inta uun isaga la maqlay Codkiisa uu yeeshay Taageerayaal aad ufarabadan kuwaa oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdullaahi Cilmi Oo ku Magacdheer (Cabdullaahi Aaltoos) Waa Fanaan Codmacaan runtiina ay ka muuqato jaceylka Fanka uu uhayo, da'adiisu aad ayay uyartahay inkastoo inta uun isaga la maqlay Codkiisa uu yeeshay Taageerayaal aad ufarabadan kuwaa oo ku kala baahsan dunida dacaladeeda.
Daawo Vodeo-ga Heesta
Fanaan Aaltoos taariikh ahaan waxa uu ku dhashay Caasimada Soomaaliya Muqdisho isagoo isla caasimada ku bar baaray inkastoo wayadii ugu danbeysay uu ahaa mid usoo guuray dhankaa iyo Qurbaha.


Fanaanka da'ada yar waxa uu ka mid yahay Fanaaniinta Qurba Joogta ah kuwooda loogu jecel yahay marka uu ka heesayo xiliyada munaasabadaha ,waxase Aaltoos uu fanaaniinta kaga gudbay kaliya kuma eka dhanka Fanka ee waa mid kamida Xidigaha Qaranka Soomaaliya matala dhanka Ciyaaraha Xiigada Barafka ee laga ciyaaro Wadamada barafku uu ka dhaco.


Al Fanaan Cabdullaahi Aaltoos ma ahan nin balwad leh manahan nin ay noloshiisu ku tiirsan tahay Dhanka Fanka ee waxa uu ka mid yahay dhalinta Xirfadleyda ah ee Shaqeysata isagoo shahaado ka heysta dhanka Caafimaadka kana shaqeeya mid kamida Isbitaalada Dalka Sweden.

Dhawaan heestan Quruxda badan ee uu sooqaaday Al Fanaan Aaltoos ayaa ku soo aadeysa xili dadka ku nool qaarada Yurub ay galeen xiliga Barafka oo aaney jirin xafladihii badnaa banaanka lo aadi jiray, iyadoo indhahaagu qabanayaa dhalin aqala uun jooga xiliyada bilaa camalka kuwaa oo wehel ka dhigtay Heestan habeysan ee fanaanku marba dhinac ula liicayo jilideeda laxanka ku laran.

Waxa Diyaariyay
Hassan Liisho
Sweden







Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip