Daawo:Dal Iyo Dad aan Heshiis ahayn, Dowlad Mawada Dhisan karan?

0
Tuesday November 18, 2014 - 18:59:41 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 2975
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Dal Iyo Dad aan Heshiis ahayn, Dowlad Mawada Dhisan karan?

    Mahad dhammaanteed Eebbaa iska leh, nabadgelyo iyo naxariisna korkiisa ha ahaato rasuulkeennii Suubanaa Muxammed Ibnu C/laahi. (SCW).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mahad dhammaanteed Eebbaa iska leh, nabadgelyo iyo naxariisna korkiisa ha ahaato rasuulkeennii Suubanaa Muxammed Ibnu C/laahi. (SCW).

Wixii kadanbeeyey burburkii kuyimi dawladdii dhexe ee Soomaaliya waxaa jiray iskudayo iyo dadaallo loogu jiray sidii loo unkilahaa dawladnimo sal adag oo Soomaaliyeed.


Iskudayadaas lagu raadinayey in dalka laxasiliyo dadkiisuna dawlad yeeshan, waxaa gadhwadeen ka ahaa beesha caalamka iyo dad Soomaaliyeed oo intooda badan kahormarinayey dantooda gaarka ah tan guud.


Inta badan waxaa shirarka lagu qaban jiray dibadda dalka inkastoo meelaha qaarkood xasilooni buuxda kajirtay awoodna ulahaayen martigalinta dadka Soomaaliyeed iyo martida kaleba.

Sababtuna waxaay ahayd in meelkasta oo dalka kamid ah oo laysku dayo in shir lagu qabto ay diidayeen qaybo kamid ah bulshada, waxaa kale oo jiray dawlado danaynayey in qarashka kubaxaya shirka uu galo dalkooda.

Marka maxay tahay sababta qof Soomaali ah u diidayo in lagu shiro meel kamid ah dalkiisa?

Sababta ugu weyn waxaay ahayd iyadoo Soomaalidu heshiis ahayn isna aaminsanayn meelkasta oo dalka kamid ahna, sikastoo amni uga jiro loo arko in reer khaas ah leeyahay.

Sidii dagaalku ugu habsaday dalkeenna lama samayn dib u heshiisiin dhab ah oo buuxda, lama yeelan wada hadal taabanaya masuubadii ina asiibtay lamana dhiirigalin in bulshada Soomaaliyeed iyo goboladu wada hadlaan.

Waxaan halkan kusoo bandhigaya isbar-bardhig iyo qiimayn aan kusameeyey wadamo dhawr ah oo sideenna ama dagaallo sokeeye kadheceen ama xadgudubyo xuquuqda bini’aadamka ah ladegeen, waxaan kale oo isdultaagi doona siyaabihii kala duwanaa ee wadamadaasi u wajaheen dhibaatooyinkaas kala duwan ee aafeeyey.

Aan kuhormarno dagaalkii Rwanda ee xasuuqa sababay (Rwandan Genocide)

Wadanka Rwanda waxaa 1994 kadhacay masuubo aad u weyn laguna magacaabo xasuuqii Rwanda markaas oo muddo 3 bilood ah lagu dilay 800,000 oo ahaa qoomiyadda Tutsi’ga iyo 100,000 kudhawaad oo iyaguna ahaa quyar socodka Hutu’ga.

Labadan qabiil oo wadanka wada dega dhibkoodu wuxuu sootaxnaa ilaa qarnigii 12naad, waxaase mushkiladdu xoogaysatay markii gumaystihii Belgium (1918-1962) uu dhulkan yimi markaas oo uu Tutsi’ga oo asal ahaan lo’da dhaqda dagaalkana kufiicna uu soodhaweystay halka uu Hutu’ga oo beeraleey ah dalkana u badan uu faquuqay.

Wax xurguftaas iyo waxtabashadaas taariikhiga ah soojiitantaba waxaa arrintu faraha kabaxday markii 6 April 1994 magaalada caasimadda wadankaas u ah ee Kigali, lagusooriday diyaarad uu saarnaa madaxweynihii Rwanda Juvenal Habyarimana (1973-1994) oo isagu kasoojeeday qoomiyadda Hutu’ga.

Waxaa kale oo diyaaradda lasocday kuna dhintay madaxweynihii Burundi Cyprien Ntaryamira saraakiil kale oo labada dal iskugu jiray. Falkaas diyaaradda lagusooriday waxaa lagu eedeeyey jabhaddii RPF oo uu markaas hoggaaminayey madaxweynaha hadda xilka haya Paul Kagame kanasoojeeda qoomiyadda Tutsi.

Falcelintii kadhalatay dhacdadaas waxaay sababtay in Hutu’gu kujeedsadaan mujtamacii ay walaalaah iyo deriskaba ahaayen ee Tutsi’ga taas oo sababtay xasuuqii caanbaxay ee Rwanda.

Sidee u Rwanda u xallisay mas’uubadaas qaran shacabkeediina u midaysay?

Waxaa lagu dhaqaaqay in la abuuro hannaan cadaalad marin iyo iscafin iskugu jira dalkoo dhanna laga hirgaliyey. Dawladdu waxaay xoogga saartay in dib u heshisiinta dadkeeda ahmiyadda koobaad lasiiyo, taas la’aanteedna aan lahelidoonin kalsooni buuxda iyo dawladnimo sal adag kutaagan.

1: Waxaa la samayey maxkamadda danbiyada ee Rwanda oo xarunteedu tahay magaalada Caruusha ee dalka Tanzania (International Criminal Tribunal for Rwanda)

2: Waxaa la aas-aasay hannaanka cadaaladda ee heer qaran (Rwandan national court system)

3: Waxaa dawladdu dhiirigalisay in bulshadu samaystaan maxkamado dhaqameed iyagu maamulan dawladduna korka kala jirto (Gacaca Courts)

Waxaa kale oo dawladdu bilowday qorshe dadku isku qancinayaan kuna doodayaan oo laga siidaayo radiyaha iyo shaashadaha layska arko ee dawladdu maamusho. Waxaas oo dadaal ah waxaa dib u heshiisiinta iyo cadaaladda loosiiyey, si dadka quluubtooda iyo maskaxdooda loo caafiyo loona dhigo aas-aaskii Rwanda cusub oo midnimo qaran kajirto una jahaysata dhanka nabadda iyo horumarka.

Rwanda maanta tusaale baa loosooqaata xagga amniga, isdhexgalka bulsho iyo kororka dhaqaaleba waxaayna daliil cad u tahay in dib u heshiisiintu labadhabar iyo tiirdhaxaad u tahay isukeenida bulsho colaad sokeeye ragaadisay.

Soomaaliya waxaa kadhacay dagaal sokeeye oo laysku talaxtagay sababayna burbur dhankasta ah hawguba darnaato geeridii in badan oo innaga mid ahayd iyo kala fogaanshaha, is-aaminaad darada iyo waxtabashada shacabka Soomaaliyeed dhextaal.

Dadaalkii markii uu dhammaadayna dib loogama heshiin cawaaqib xumadii laga dhaxlay dawladihii kumeelgaadhka ahaana, maysan bilaabin hannaan dib u heshiisiin iyo iscafin ah si kalsoonidii iyo walaltinimadii godka madow kudhacday dib loogu soonooleeyo.

Khilaafaadka dawladda dhexe iyo dawlad goboleedyada waxaa sal u ah dib u heshiisiin la’aantaas labaal maray, isqab-qabsiga madaxda sare ee dalka waxaay kasoo maaxanaysa is-aaminaad la’aanta guud ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed dhextaal.

Waxaan suurtagal ahayn ummad wax kalatabanaysa isuna calool fiyoobayn in ay dawladnimo ay kukalsoon yihiin wada unkaan. Soomaalidu waxaay kumaah-maahda milal korka lagama dhayo waa in aynu waxkabaranaa qaabkii dawladaha dagaalada ehligu kadhacay u mareen xasillinta iyo midaynta dadkooda, dawladahaas waxaa kamid ah Sierra Leone, Mozambique, Liberia.

Wadamadan waxaay ahmiyad xoog leh siiyeen dib u heshiisiinta dadkooda hannaankay doonanba haw mareene. Wadanka Koonfur Afrika oo xadgudub xuquuqda iinsaanka kasoo horjeeda iyo midab takoor lagula kacay dadka aan cadaanka ahayn , waxaa loosameeyey guddi loogu magacdaray, gudiga xaqiiqo raadinta iyo dib u heshiisiinta waxaayna kutalaabsatay guulo waaweyn. (Truth and reconciliation commission)

Khilaafka maanta kadhextaagan golaha shacabka wuxuu katurjumaya in khilaafku kaqoto dheer yahay madax isfahmi weyday iyo aragti lagu kaladuwan yahay.Wuxuu markhaati cad u yahay in waxkasta oo ladhiso haddii dib u heshiisiin mug leh aysan dhicin xiisadda qabiilku markay doonto soo labakaclayn karto horseedikartana in dib burbur hor leh loogu laabto.

Muhiimadda dib u heshiisiinta iyo iscafinta waxaa tusaale fiican u ah qiso kadhacday wadanka Rwanda halkaas oo subax nin u yimi qof dumar ah oo beer falanaysa. Wuxuuna kudhahay ma garanaysaa maalintii adigoo gurigan jooga nin qoriwataa kuuyimi dilayna ninkaagii iyo labadaadii wiil?

Waxaay ugu jawaabtay haa! Wuxuu kuyidhi aniguu ahaa ninkaa subaxaas danbigaas galay sidaad doonto iga yeel. Arrintaas caanbay noqotay waxaana loosoo qaata heerka dib u heshiinta dalkaasi gaadhay, waxaay kutidhi ilaahay cafis weydiiso dad danbena wax hayeelin anna icaawi markii aan u baahdo qof beerta iifala taas oo uu aqbalay.

Nasiib daro Soomaalida oo diin iyo dhaqanba kadhexeeyo, qofbaa gurigiisii qof kale deggen yahay oo xoog kuhaysta waxaana laleeyahay aan dawlad wada dhisano. Dal iyo dad aan heshiis ahayn, dawlad mawada dhisan karaan?

Muxammed Suldaan Saciid
London, Uk
Suldaanz@hotmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip