Daawo:Xaalad deg deg ah oo lagu soo rogay Ferguson, USA

0
Tuesday November 18, 2014 - 18:53:07 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1961
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Xaalad deg deg ah oo lagu soo rogay Ferguson, USA

    Magaalada Ferguson ee gobalka Missouri ee dalka Maraykanka ayaa xaalad deg deg ah lagu soo rogay maanta xili la filayo in Maxkamada ay go’aan kasoo saarto dilkii loo geystay wiil Madow oo lagu magacaabo Michel Brown.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Ferguson ee gobalka Missouri ee dalka Maraykanka ayaa xaalad deg deg ah lagu soo rogay maanta xili la filayo in Maxkamada ay go’aan kasoo saarto dilkii loo geystay wiil Madow oo lagu magacaabo Michel Brown.

Gobalka Missouri Mr.Jay Nixon ayaa sheegay inuu heegan geliyey ciidamada, iyadoo laga cabsi qabo in markale banaanbaxyo ka dhacaan gobalkaasi, hadii dadka ku qanci waayaan go’aanka maxkamada.
Maxkamada ayaa go’aankeeda ku sheegi doonta in la xukumi doono Askarigii dilay wiilkaasi madow oo 9kii bishii Agoosto lagu dilay magaalada Ferguson isagoo aan wax hub ah sidan. Askariga dilkan geystay ayaa ah nin Cadaan ah.


Dilkaasi ayaa keenay banaanbaxyo rabshado wata oo saameeyey magaalada Ferguson, balse xiisadan ayaa ah mid si weyn u taabatay shacabka Maraykanka oo ku kala qeybsamay.

Dadka madow ayaa ku dhaliilay Booliiska magaalada Ferguson oo u badan Cadaan inay cunsuriyeeyaan dadka ku dhaqan Ferguson oo u badan madow.

Xiisadan ayaa markale sare usoo qaaday xasaasiyada ay shacabka Maraykana ka qabaan midab-kala sooca ka jira dalkaasi oo ah mid ku faana horumarka dhanka isdhexgalka iyo dimuquraadiyada.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip