DAAWO: Qisadii Geeddi Jacayl Iyo Godobtii Qarsooneyd !. Qisso Jacayl Oo Dhab Ah.

0
Sunday November 09, 2014 - 16:49:28 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 3406
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DAAWO: Qisadii Geeddi Jacayl Iyo Godobtii Qarsooneyd !. Qisso Jacayl Oo Dhab Ah.

    Ayaanle markan waxa uu gaaray go’aan shakhsiyan ah kaasoo uu ugu talo galay inuu nafsaddiisa maaweelo uga dhigo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ayaanle markan waxa uu gaaray go’aan shakhsiyan ah kaasoo uu ugu talo galay inuu nafsaddiisa maaweelo uga dhigo.

Go’aanka uu gaarayna waxa uu yahay marka hore inuu ka fogaado aragtida muuqaalkabilan kuna dadaalo sidii uu wajiga uga dadban lahaa xilliyada isbedelka labadagellin ee iskuulka, midda labaadna wuxuu doonayaa inuu quluubtiisa ka tir-tirohaddii uu taa awoodi waayana uu yareeyo hammiga faraha badan ee uu uqabo iyo inuuxoogga saaro waxbarashada halqabsiga unoqotay dadaal yari lagu dhaliilay.


go’aankaa uu gaaray ayaanle kadib waxa uu umuuqday mid kasoo kabanaya jugtii kugaartay (bar bakiin) inkastoo aanu gebi ahaan jacaylku ka guurin hadana waxbaa kusooduxa markii uu maqlo heesaha jacaylka qaarkood, heesta sida aadka ah utaabanesaylaabtiisa waxay ahayd heesta caanka ah ee lagu magacaabo ( cimrigiiba jacayl waacawaaqib xunyahay) ee uu ku luqeeyo al fannaan boqorka codka “maxamed saleebaantubeec”erayada heestaa oo miisaankoodu culusyahay kiciyeyna dareenka ayaanle waxaa kamidahaa;-

listening Cimrigiiba Song:-


Cayaar maaha dadoow
Cudurkan ihayee
Cantar waad maqasheen
Cabla baa lahaydoo
Cimrigiiba jacayl
waa cawaaqib xunyahay.

Maqalka heestaa iyo kuwa kaloo lamid ahba ma ahayn kuwa uu ku raaxeysanayeydhageysigooda markii uu maqlana waa uu damin jiray raadiyaha haddii kale oo aygoobta joogaan dad uu qadarinayo na waa uu ka fogaan jiray maqalka dhawaqooda.

kaalintii waxbarasho ee ayaanle waxay dib ugusoo noqotay sidii ay sanad kahor ahayd,la qabsiga fasalka cusubna waxa uu noqday mid usahlanaada laba bilood kadib taasoouu kugaaray inuu kamid noqdo ardayda ugu firfircoon dhanka waxbarashada fasalkii uuwax ku baranayey.

bilan markii ay weyday muddo dhowr bilood ah bidhaantii ayaanle ayey goor galabnimosii dhammaaneysa ah xilli lagasoo rawaxay iskuulkii waxay sheeko kusaabsan dhankaayaanle layeelatay saaxiibkii siciid oo ku tiri “saaxiibkaa ayaanle ma aanan aragwaayadan ee ma iskuul kale ayuu ubadashay?

siciid ayaa ku jawaabay maya wali iskuulkan ayuu dhigtaa ee maalmahan howlahiisawaxbarsho ayuu ku mashquulsanaa markii ay xisaduhu udhamaadaanna kuma hakadoagagaarka iskuulka ee horuu ka gudbaa.

bilan oo dhoolla caddeyneysa ayaa tiri kolley saaxiibkaa ayaanle uma eka shakhsidadaal waxbarasho uu kamuuqdo,balse nasiibkiisa ayuu leeyahay.

siciid isagu waa uu kawar hayaa biyo dhaca hadallada bilan mana uu sii tix raacinee waxa uu uga war-bixiyey xaaladda ayaanle sidii ay ahayd kahor intii ayan iyaduiskuulka kusoo biirin isagoo ugu tibaaxay sidan;-

bilaneey haddii aan kaaga faalloodo xaaladda ayaanle waa markii ugu horreysay ee uuimtixaanka ku guul-darreysto adiguna taa ayaad la kulantay balse anigu illaa iyodugsi hoose ayaan xaaladdiisa ka war hayaa waayo waxaanu ahayn dad mar-quraalif-beetada islasoo billaabay, midse haddii aan ku xusuusiyo dhicitaankiiimtixaanka ee ayaanle adigaa u sabab ahaa, bilan isla markii ay hadalladii ugudambeeyey dhegaheeda kusoo dhaceen ayey buugaagtii ay gacanta ku haysay cirka utuurtay kuna tiri siciid waamaxay sababta aan ku yeelan karo nin tiisii dacay?

siciid oo ay ka gaartay maxaad sidaa utiri ayaa xaaladdii inuu dajiyo isku dayeymarkii dambena ku guuleystay isagoo bilan usharraxay in sida ay uqaadatay uusan uladan lahayn ee uu ula jeeday in ayaanle xilligii imtixaanka uu hareeyey jacaylcurdan ah kaasoo uu niyadda ka saari waayey imtixaankiina uuba ka doorbido inuuadiga uun ku daawado illoobana jawaabihii saxda ahaa ee laga sugayey.

bilan kuma ayan qancin hadallada siciid waxayna uqaadatay mid uu ku difaacayosaaxiibkii,waxayna umuujisay….waa socataa.

(W/Q:axmed maxamed barrow(shooli yare).


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip