Saaxiibo Is khiyaamay Misna Is Xantay Muxuu Salkoodu Noqon?

0
Monday July 16, 2012 - 18:21:26 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 5141
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saaxiibo Is khiyaamay Misna Is Xantay Muxuu Salkoodu Noqon?

    Qof waliba oo aduunkan ku nool ayaa la shegaa inuu lee yahay sxb gaar ah marka lga reebo saaxiibtinimada kala dhexeysa qofka markaasi uu nolosha la wadaagayo, iyadoo wiil ama gabar walibaa ay lee dahay qof saaxxib la ah isla mar ahaantaana ay waqtiya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qof waliba oo aduunkan ku nool ayaa la shegaa inuu lee yahay sxb gaar ah marka lga reebo saaxiibtinimada kala dhexeysa qofka markaasi uu nolosha la wadaagayo, iyadoo wiil ama gabar walibaa ay lee dahay qof saaxxib la ah isla mar ahaantaana ay waqtiyada inta badan isla qataan, inkasta oo dad badani saaxiibtinimada u arkaan mid aan sidaa u qiima badneyn balse dadkaasi ayaa la dhihi karaa waa kuwo aan inaba ka aqoon qiimaha saaxiibtinimada leedahay, sida uu qirayo khabiir inbadan ku xeel dheer Amuuraha Saaxiibtinimada iyo Qiimaha ay leedahay.
Saaxiibtinimada kaala dhexeysa asxaabta aad dadka isaga dhawdihiin isla mar ahaantaana magaalo ama tuulo aad ku wada nooshihiin ayaan ahayn mid sidaa u qiima yar, inkasta oo dadka qaar ay u arkaan waxa aan sidaa u weyneyn.

Saaxiibtinimada ayaa waxaa bur burinkara sababna unoqon kara marka uu yimaado kala shaki salkiisu yahay is xamasho oo saaxiibada qaar ay saaxiibada kale ku xantaan marka lagu sheekeysanyo meelaha fagaaraha ama lagu caweeyo, isu dulqaadasho la'an , is cadawsi uu midba kan kale cadaw ka dhigto, iyo saaxiibada qaar oo iyagu isu arka inay yihiin kuwa ka kaaftooma kuwa kale dhankasta, inkasta oo taasi tahay mid ku salaysan laab lakac iyo hawo been ah,iyadoo la og yahay Xanta saaxiibkaa aad xamato inay kugu reebikarto dareen ku dheehan dakano iyo feejignaan saacad kasta ah.



Markaad rabto inaad ogaato waxa ka dhigaya qofka mid faraxsan ha waydiin inta ku jirta akoonkiisa ama Mushaarka uu u qaato balse waydii inta Saaxiib uu le yahay iyo farxada halka ay uga timid.
Dad badan ayaa aaminsan in farxaddu ka timaado maal badan oo aad hesho hayeeshee waxay xaqiiqdu tahay in faraxadda dhabta ahi ka timaado saaxiibtinimada daacada ah iyo xariirka wanaagsan ee kaala dhaxeeya Asxaabta Shaqada, Adayda,Deriska iyo Qoyskaada.

Ugu danbeyntii ayaa waxa dulucda sheekadayda noqoneysaa Saaxiibo is khiyaamay misna Is Xantay Muxuu salkoodu noqn?


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip