Waxey nagu hayeen ayay isku hayaan {Faallo} Qalinkii C/qaadir Dulyar

0
Wednesday July 11, 2012 - 14:23:07 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 2692
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxey nagu hayeen ayay isku hayaan {Faallo} Qalinkii C/qaadir Dulyar

    Tan kale mahan wax la wada inki karayo in umad waliba oo meel kuwada nool ay u baahantay xeerar ay heshiis kuwada yihiin oo qaran isalmarkaana si cad u qeexi karaya waxkasta oo sababi karaya in ay ka abuuraan dalka muran siyaasadeed iyo mid bulshadee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tan kale mahan wax la wada inki karayo in umad waliba oo meel kuwada nool ay u baahantay xeerar ay heshiis kuwada yihiin oo qaran isalmarkaana si cad u qeexi karaya waxkasta oo sababi karaya in ay ka abuuraan dalka muran siyaasadeed iyo mid bulshadeed labaduaba, hadaba iminka waxaa horyaala umada soo maaliyeed dastuur la galiyay waqti iyo maal farabadan soonamaray gacmo kala duwan lixdii sanadood ee gacanta lagu hayay.
Mudadaasi dheer dastuurka waxaa faraha ku hayay gudi caalamiya oo magaciisa loo soo gaabiyay (IFCC) kaasoo isagu jira Somali iyo ajaaniiba oo qabiiro ku ah hab diyaarinta dastuurka, dhanka kale dastuurkan waxaa tixraac looga sameeyay dastuurkii 60 kii , kii dowladii kacaanka iyo qodobada qaar oo la sheegay in lagaga soo biiriyay dastuurada caalamka qaarkood.


Gaar ahaan wadamada aan wadaagno nidaam siyaasadeedka la doonayo in Somaliya lagu maamulo mustaqbalka dhow iyo kan fogba kuwaas oo ah dowlada ilsaama si la isku waafajiyo qoraalka dastuurka iyo isabadala bulsho iyo deegaan ee Somaliya waqtigan ka jira.

Tan kale waa hubanti in dad badani ay layaab ku noqotay cadadka lacageed ee beesha caalamku ay ku bixisay dastuurka qabyo qoraaleedka iminka ay qola waliba ay si uga qeylineyso walina aan lagu kala qanacsaneyn, tastuurkan oo sida ku xusan asal looga dhigay diinta islaamka maadaama aanu nahay umad musima boqolkiiba boqol.

Waxaa uu ka koobanyahay 77 qodob ugu horeyna qodobadaasi qaarkamida waxaa ay la kulmeen mucaarado xoogan oo dal iyo dibadba leh waxaana sidoo kale dhaliilo u jeediyay culaamu u diinka Soomaaliyeed oo sheegay in dastuurka qodobadiisa qaarka mid ahi ay ku jiraan qodobo ka hor imaanaya diinta islaamka, inkastoo beesha caalamka ay handaado kala horyimaadeen dadkii ka cabanaya qodobada qaarkood.

Inkasotoo madaxda qaarkamida dowlada ku meelgaarka iyo beesha caalamka ay handadaad ku sameeyeen dhinacyadii durayay qabyo qoraalka dastuurka kuwaasoo si isdaba jooga muqdisho ugu qabanayay shirar qodobada qaar ku qoran dastuurka, haatan in ay ka hadlaan ikabada daaye waxaa lagu amray hayadaha nabadsugida in ay kala xisaabtamaan hoteeladii lagu qabto shirar looga hadlayo isbadala dalka iminka ka soconaya.

Inkastoo soo bandhigista dastuurku ay ku soo beegantay xili aad u adag oo ay dalka ka jiraan qilaafyo siyaasadeed iyo dagaalo ay dowlada KMG ahi ku dooneyso in ay kula wareegto labada shabeele oo gacanta dowlada ka maqnaa intii lasoo doortay dowladan.

Maadamaa waxyaabaha ugu muhiimsan ee dowlada horyaala ka mid aheyd dib u xoreynta gobolada koofureed ee dalka oo ay inbadani gacanta ku hayeen xarakada Alshabab, sida saxda ahna waxaa dastuur waliba uu dhaqan gal noqon karaa marka baalamanku ansixiyo aftina looga qaado shacabka madaxweynuhuna saxiixo hase yeeshee Somaliya maadama aysan waqtigan suurta gal ka ahayn in qofkastaa oo qaan ahi oo miyir qaba laga qeybgaliyo .

Waxaa taasi badalkeeda loo idmaday odeyaal dhaqameedyo aasaas looga dhigay xiliga loogu magacdaray (Kala-Guurka) wallow qudhooda waxlaga sheegsheegayo cida soo casuumtaqy oo maamuleysa hadana mahan howlyar in meel la isugu keeno odeydhaqameedyo oo tira intaa la eg ka kooban.

Balse odoyaal dhaqeedyadan oo la saaray masuuliyad ka weyn oo taariiqiya oo la oran karo waxaa ay la mid tahay tii Legadii oo kale, inkastoo waqtigu aan ahayn tii oo kale hadana waxaa laga rabaa in ay masuuliyadoodu u gutaan si Soomaalino.

Wadaniyad, iyo cadaaladi ku dheehantahay, hadiise sida iminka xamxamtu ay sheegeyso ay yihiin odayaal dowladu KMG ahi iyo wakiilka qaramada midobay Ogestin-Mahiga ay meel kuwada xareeyeen oo aan loo ogoleyn in ay dhageeystaan talada aqoonyahanada iyo bulshadarayidka ah inteeda kale, oo dowlada ka madaxbanaan taasi waxaa ay u muuqaneysaa in ay yihiin odoyaal aan ka magic u yaala oo aan ka madaxbanaaneeyn amarada dowlada.

Waa sax in mudooyinkii dambe ay is gaabiyeen dad badan oo ka hadli jiray dastuurka xaalada siyaasadeed uu dalku iminka marayo iyo in ay yaraadeen shirarkii looga hadlijiray siyaasada dalka, hadana inkastoo xaalku sidaa yahay lama oran karo maamulayaashii dastuurka waxay ku adkeysteen sidii larabay.

Dhowaan waxaa la sheegay in odaayaal dhaqameedyada loo qeybiyay dastuur la sheegay in wax laga soo badalay qodobadii qaar ee la diidanaa, tan ugu daranise waxay ahayd markii ay gudiga dastuurku ku tilmaameen xadgudub iyo faragalin markii dowlada KMG ku ay qoraalada dastuurka u qeybisay odaayaal dhaqameedyada islamarakaana ay sheegeen in loo gacan dhaafay, sidoo kale odayaal dhaqameedyada ayaa iyaguna sheegay in aaney u madaxbanaaneyn dastuurka loo qeybiyay in ay turxaan bixiyaan oo aaney u madaxbanaaneyn amaba ay ka dhiibtaan fikirkooda.

Sidoo kale dowlada KMG oo dhowaan ka hadashay go’aanka ay sida wadajirka ah u soo wada saareen gudiga dastuurka ayaa waxaa ay sheegtay in gudigu uusan xaq u lahayn in uu qaado talaabo ceynkaasi oo kala ah maadamaama uu waqtigiisu dhamaaday.

Su aasha hadaba la isweydiinkaro ayaa waxaa ay tahay sharci ahaan xil maka qaadi kartaa dowladu gudiga dastuurku ? taasi waxaan u deynayaa sharciyaqaanada iyo aqoonyahanada Soomaaliyeed, dhanka kale hadii shalay culumaa’diinka, aqoonyahanada iyo beelihii ka hadli jiray, dastuurka lagu tilmaamay ay yihiin qaswadayaal iyo dastuurka.

Hada maxaa loogu yeeri doonaa gudiga dastuurka Somaliya maadaama ay cadeeyeen sida loo wado dastuurka, oo dowlada KMG ay faragalin ku hasyo taladooduna aysan u madaxbanaaneyn, markase aad fiiriso sida ay wax u socdaan waa mid ku soo xasuusineysa sheekadii ahayd.

“waxaa bari weel wax kuwada cuni jiray wiil iyo gabar wada dhasahay, gabadhu wiilka wey ka booby jiray cunada, markuu in muda ah wiilku qarsanayay dhibkiisa ayuu maalin maalmaha ka mid waxaa uu aabihii ka codsaday in manta oo qura gooni loo siiyo cuntadiisa.

Wiilkii oo faraxsan ayaa intuu isha ku xaday gabadhii oo cintada labada gacmood ku cuneyso markaas ayuu inta qoslay oo aabihii soo jeediyay ku yiri aabe eeg gabadhani waxay igu heysay ayey isku heysaa, halkaasna abihii ayaa ka ogaaday in gabadhu dhib weyn ku heysay.

Hada sow dadkii hore uga hadli jiray dastuurka ee la caburiyay xaq uma lahan in ay yiraahdaan, maadaama diyaariyaashi dastuurka iyo madaxdii dowlada KMG oo awalba is ku meel ahaa ay manta is hayaan in ay qoladii hore tiraahdo waxay nagu hayeen ayey isku hayaan.

Qalinkii C/qaadir Max’ed Faarax Dulyar


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip