Howlgal amni oo Muqdisho looga dhawaaqay iyo jidad badan oo la xirayo.

0
Saturday March 30, 2019 - 11:34:02 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 18
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Howlgal amni oo Muqdisho looga dhawaaqay iyo jidad badan oo la xirayo.

    Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa goor dhow ku dhawaaqay in xaalad amni oo la geliyey Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa goor dhow ku dhawaaqay in xaalad amni oo la geliyey Magaalada Muqdisho.

Yariisow ayaa sheegay in talaabadan ay ka dambeysay markii uu sii xumaaday amaanka  magaalada oo maalmihii ugu dambeeyey ay ka dhaceen qaraxyo badan oo dad badan ku dhinteen.

Guddoomiyaha ayaa xusay  in inta lagu guda jiro xaalada amni ay bilaaban doonaan howlgallo ballaaran oo ka duwan kuwii hore si amaanka gacan bir ah loogu qabto.

"Ciidanka Booliska waxay bilaabi doonaan howlgallo guri guri ah oo lagu xaqiijinaayo ammaanka waxaa la xiri doonaa dhammaan waddooyinka, Xitaa waddooyin hadda furan waa la xirayaaā€¯ ayuu yiri guddoomiyaha

Waxa uu sidoo kale sheegay in dadka liita sida waayeelka iyo naafada ay dowladda ku qaadi doonto baabuur ay iyada diyaarisay oo magaalada ka dhex-shaqeyn doono, dadka xoogga lehna ay lugayn doonaan.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay inay la shaqeeyaan Ciidanka Ammaanka dowladda Soomaaliya inta uu socdo howlgalka, isagoo ka codsaday inta ay socdaan howlgallada inay muujiyaan dulqaad badan, ayna jiro doonaan jidad badan oo xirnaan doona, iyadoo laga duulayo amni darada jirta.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip