Maxaa ka soo baxay kulan dhexmaray Wasiirka Gaashaandhiga Somalia & Brig. General Pietro Addis?

0
Tuesday June 12, 2018 - 11:34:12 in Wararka
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa ka soo baxay kulan dhexmaray Wasiirka Gaashaandhiga Somalia & Brig. General Pietro Addis?

    Wasiirka cusub ee Wasaaradda gaashaandhiga Xasan Cali Maxamed Brig. Jen. Pietro Addis oo ah taliyaha xafiiska howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka cusub ee Wasaaradda gaashaandhiga Xasan Cali Maxamed Brig. Jen. Pietro Addis oo ah taliyaha xafiiska howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Saraakiisha Midowga Yurub ayaa ugu hambalyeeyey Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga xilka loo magacaabay, iyagoo balanqaaday in ay si dhab ah ula shaqeyn doonaan.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa kala hadlay Saraakiisha midowga Yurub dardargelinta taageerada ay siiyaan ciidanka Xoogga Dalka sida tababarada, qalabeynta iyo talooyinka ku aadan arrimaha ciidamada.

Brigader Pietro Addis oo ah taliyaha xafiiska howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa ammaanay dib u habaynta lagu sameeyey hoggaanada ciidanka Xooga Dalka, wuxuuna u xaqiijiyay Wasiirka inay ka soo bixi doonaan kaalintooda ku aadan garab istaaga ciidamada.

Midowga Yurub waxay dardar geliyeen taageerada ay siiyaan ciidanka Xooga Dalka, dhinacyada tababarada ciidanka, si ay u gutaan waajibaadka Qaran ee horyaala.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip