Axmed Madoobe oo Muqdisho soo gaaray, kana hadlay ujeedada safarkiisa.

0
Monday February 05, 2018 - 13:36:06 in Wararka
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axmed Madoobe oo Muqdisho soo gaaray, kana hadlay ujeedada safarkiisa.

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Safarka Madaxweynaha waxaa ku weheliyay xubno katirsan labada gole ee Dowlada iyo masuuliyiin kale.

Masuuliyiin katirsan Dowlada Federaalka ah ayaa Madaxweynaha ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam wuxuu sheegay in ujeedada socdaalkiisu uu yahay ka qeyb galka shirka dhawaan ka dhacaya Magaalada Muqdisho ee lagaga hadlayo amaanka Soomaaliya.

"Maanta Cadowga kaliya ee aan leenahay ee dadkeena dilaya waa Shabaab sidaas oo ay tahay wali waxaan rajaynayaa in loo midoobo oo si dhab ah loola dagaalamoā€¯ ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in dagaalka Argagixisadu uu u baahan yahay wadajir in loo wajaho oo aan cid gaar ah lagu halayn si dhibaatada dadka looga dulqaado.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip