Dowlada Somalia oo war cusub ka soo saartay heshiis ay horey ula gashay Shirkadda Sahal.

0
Monday February 05, 2018 - 08:26:04 in Wararka
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowlada Somalia oo war cusub ka soo saartay heshiis ay horey ula gashay Shirkadda Sahal.

    Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa kormeeray xarunta shirkadda Sahal oo Rakaabka basas ku geysa garoonka diyaaradaha Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa kormeeray xarunta shirkadda Sahal oo Rakaabka basas ku geysa garoonka diyaaradaha Muqdisho

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Maxamed Cabdulaahi Salaad (Oomaar) iyo Maamulaha Shirkadda Jabril Maxamuud Geedi  ayaa kala saxiixday heshiis is afgarad ah oo dib loogu eegayo howlaha shirkadda.

Oomaar ayaa sheegay in dib u eegista heshiiskii hore ay isku afgarteen shirkadda.

"Dadweynaha Soomaaliyeed mudda badan ayay na waydiinayeen adeegyadda shirkadani anagoo ka ambaqaadayna hab maamulka wanaagsan waxaan shirkadani ku heshiinay, heshiiskii ay horay  ula gashay dowladda inaan dib u eegis ku sameyno iyadoo laga fiirinayo in dowladda, shirkadda iyo shacabkaba ay ka faa’iidaan’’ ayuu yiri Wasiir Oomaar.

Rakaabka ka dhoofa garoonka Aadan cadde ayaa lagu baaraa xarunta shirkadda Sahal oo ku taalla nawaaxiga Km4, waxaana mudooyinkan cabasho xoogan ay ka taagneyd lacago xad dhaaf ah oo shirkadan ay ka qaado dadka dhoofaya lacagahan qasab looga dhigay iney bixiyaan, iyadoo qofkiiba laga qaado 10 dollar min Km4 illaa garoonka oo qiyaastii 1kmoo kaliya isu jira.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip