Kenya oo mamnuucday dhaq dhaqaaqa Wax iska caabinta mucaaradka ee NRM.

0
Wednesday January 31, 2018 - 09:47:06 in Wararka
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya oo mamnuucday dhaq dhaqaaqa Wax iska caabinta mucaaradka ee NRM.

    Dowlada Kenya ayaa ku dhawaaqday in dalka laga mamnuucay dhaq dhaqaaqa Wax iska caabinta mucaaradka ee NRM, waxa ayna dowlada ku tilmaantay dhaq dhaqaaqan in uu yahay mid burcad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowlada Kenya ayaa ku dhawaaqday in dalka laga mamnuucay dhaq dhaqaaqa Wax iska caabinta mucaaradka ee NRM, waxa ayna dowlada ku tilmaantay dhaq dhaqaaqan in uu yahay mid burcad.

Dhaq dhaqaaqa Wax iska caabinta mucaaradka ee NRM ee dowlada Kenya mamnuucday ayaa qeyb ka ah isbaheysiga mucaaradka ee NASA, uu hogaamiyo Raila Odinga oo shalay loo dhaariyay Madaxweyne.

Tilaabadan dowlada Kenya ku mamnuucday ayaa yimid kadib markii  shalay munaasabad balaaran oo ka dhacday magaalada Nairobi loogu dhaariyay Madaxweyne Hogaamiyaha Mucaaradka Raila Odinga.

Raila Odinga Hogaamiyaha mucaaradka Kenya oo munaasabada hadal koban ka jeediyay ayaa shegay in shacabka ay ridi doonaan wax uu ku tilmaamay xukunka kaligii talisnimada ah.

Doorashadii ka dhacday dalka Kenya ayaa waxaa ku guuleestay Madaxweynaha hada talada haya ee Uhuru Kenyatta, hasa ahaatee Hogaamiyaha Mucaaradka ayaa qaadacay natiijada doorashadaasi waxa uuna sheegay in isagu Madaxweyne yahay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip