Taliye katirsan Ciidanka maamulka Somaliland oo gaari lagu dilay.

0
Wednesday January 31, 2018 - 08:26:04 in Wararka
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliye katirsan Ciidanka maamulka Somaliland oo gaari lagu dilay.

    Wararka ka imaanaya magaalada Burco ee caasimada gobolka Togdheer ayaa sheegaya in gaari la jiirsiiyay taliyihii ciidanka Taraafikada gobolka Togdheer Gaashaanle Sare Cabdullaahi Faarax Soofa-dhiiste.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya magaalada Burco ee caasimada gobolka Togdheer ayaa sheegaya in gaari la jiirsiiyay taliyihii ciidanka Taraafikada gobolka Togdheer Gaashaanle Sare Cabdullaahi Faarax Soofa-dhiiste.

Sida aan Wararka ku helnay Taliyaha ayaa xili howshiisa shaqo ku jiray waxaa la marsiiyay gaari si xowli ah u socday, waxaana taliyaha oo dhaawac culus soo gaaray ugu dambeyn ku geeriyooday isbitaalka.

Ciidamada booliiska magaalada Burco ayaa xabsiga dhigay ninkii waday gaariga taliyaha lagu dilay, waxaana la baarayaa dilkan in uu ahaa mid ku tala gal ah iyo in uu yahay mid si kam ah u dhacay.

Magaaada Burco ayaa si weyn looga hadal hayaa dilka taliyaha ciidanka Taraafikada gobolka Togdheer, mana jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay maamulka gobolka  oo ku aadan dhimashada sargaalkan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip