Siteey Max'ed Aadan oo caawa lagu dilay duleedka Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya.

0
Monday November 27, 2017 - 19:20:24 in Wararka
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siteey Max'ed Aadan oo caawa lagu dilay duleedka Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya.

    Kooxo Bastoolado ku hubeysan ayaa caawa degaanka Garasbaaleey ee duleedka Magaalada Muqdisho waxay ku ku toogteen Haweeney la oran jiray Siteey Max'ed Aadan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxo Bastoolado ku hubeysan ayaa caawa degaanka Garasbaaleey ee duleedka Magaalada Muqdisho waxay ku ku toogteen Haweeney la oran jiray Siteey Max'ed Aadan.

Haweeneydan oo ka tirsanaan jirtay Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa la sheegay iney da’deedu aheyd 65 Sano jir, waxaana dadka deegaanka sheegeen in lagu dhex dilay hoygeeda.

"Waxaan maqalnay rasaas anagoo xaafada Garasbaaley iska joogna markii aan kala cararnayna waxaa naloo sheegay in Maama Siteey la dilay dadkii dilayna ay baxsadeen runtii ma sheegi karno waxay ahaayeen dadkii dilay waana ka argagaxnay” ayuu yiri Goob jooge ka tirsanaa dadka degaanka oo la hadlay Warbaahinta gudaha, magaciisana ka gaabsaday.

Haooyadan ayaa la sheegay inay ka mid aheyd Haweenkii horay looga ruqseeyay ciidanka XDS xiligii dowladdii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu hoggaaminayay ay dalka maamuleysay.

Laamaha amaanka dowlada Somalia ayaan ka hadlin dillkan oo la aaminsan yahay iney ka dambeeyeen kooxda Al-Shabaab inkastoo aysan sheegan kana hadlin weli.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip