Wasiir ka tirsan Xukuumada Somalia loo diiday Shirka Galmudug & Ahlu Sunna?

0
Monday November 27, 2017 - 12:17:28 in Wararka
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir ka tirsan Xukuumada Somalia loo diiday Shirka Galmudug & Ahlu Sunna?

    Waxaa Magaalada Jabuuti ee dalka Jamhuuriyada Jabuuti ka furmay maanta shir dib u heshiisiin ah oo halkaas loogu qabanayo dowlad goboleedka Galmudug iyo Maamulka Ahlu sunna Waljameeca ee gobolada dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa Magaalada Jabuuti ee dalka Jamhuuriyada Jabuuti ka furmay maanta shir dib u heshiisiin ah oo halkaas loogu qabanayo dowlad goboleedka Galmudug iyo Maamulka Ahlu sunna Waljameeca ee gobolada dhexe.

Waxaa shirkaas ka qeyb galay Madaxda labada dhinac oo ay kala horkacayaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) iyo hogaamiyaha ahlu sunna Shiikh Maxamed Shaakir.

Wararka ayaa sheegaya in shirkan uu ka qeyb galay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha C/llaahi Faarax Wehliye oo dowlada federaalku halkaas u dirtay.

C/llaahi Faarax Wehliye ayaa ka dhex muuqday xubnaha ka qeyb galaya shirkan, iyadoo arintan ay meesha ka saareyso warar been abuur ah oo maanta qaar ka mid ah warbaahinta gudaha lagu soo daabacay kuwaasoo sheegayey in Galmudug iyo ahlu suna ay diideen inuu ka qeyb galo shirkaas.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha C/llaahi Faarax Wehliye ayaa hogaaminaya wafdi dowlada Somalia u dirtay Jabuuti si ay uga qeyb galaan wadahadalka halkaas uga furmaya Galmudug iyo ahlu suna, waxayna wafdigan ka qeyb qaadan doonaan dhexdhexaadinta shirkan oo uu garwadeen ka yahay urur goboleedka IGAD.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip