Madaxweyne Farmaajo oo war ka soo saaray weerarkii lagu qaaday hotelka Naasa hablood-2.

0
Saturday October 28, 2017 - 19:05:48 in Wararka
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo war ka soo saaray weerarkii lagu qaaday hotelka Naasa hablood-2.

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeynaaya muwaadiniintii ku geeriyooday weerarkii lala beegsaday Hoteel Naaso hablood-2 ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeynaaya muwaadiniintii ku geeriyooday weerarkii lala beegsaday Hoteel Naaso hablood-2 ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynahu waxa uu Alle uga baryey in uu naxariistiiisa Janno ka waraabiyo dadkii ku shahiiday weerarkaas arxan darrada ah.

" Inaa Lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun. Waxa aan Alle uga baryayaa in uu Janadiisa ku manaysto, dadkii Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan ee lagu laayey weerarkaan. Intii dhaawacanta iyagana waxa aan ugu ducaynaynaa in Alle uu siiyo caafimaad deg-deg ah.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku tilmaamay weerarkaan mid ay doonayso argagixisada Alshabaab in ay ku cabsi galiso shacabka Soomaaliyeed ee ku baraarugay musiibadii 14ka Oktoobar, taasoo horseedday midnimo iyo istaakulayn ay muujiyeen shacabku dal iyo dibadba.

"Argagxisada waxaa cabsi galiyey dadkeenna midoobay ee is garab joogsasday xilligii adkaa iyaga oo muujinaya sida ay uga go’antahay in ay ka qayb qaataan abaabulka lagu nabadaynayo dalka.” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in falalka noocaan oo kale ah aysan marnaba niyad-jab ku noqonayn qorshayaasha iyo howlgallada dowladda ay kaga hortagayso dhibaatada ay ku hayaan shacabka wax uu ugu yeeray argagixisada Alshabaab.

Ugu yaraan 25 qof oo ay ku jiraan masuuliyiin iyo saraakiil ka tirsan dowlada Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ayaa ku dhintay weerar isagu jiray qarax gaari iyo mid toos ah oo lagu qaaday hotelka Naasa hablood-2, waxaana caawa hotelka ka dhex dagaalamaya dabley ka tirsan Al-Shabaab.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip