Meydka Wasiir ka tirsan Maamulka K/Galbeed oo laga soo saaray hotelka Naasa Hablood-2.

0
Saturday October 28, 2017 - 18:40:46 in Wararka
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Meydka Wasiir ka tirsan Maamulka K/Galbeed oo laga soo saaray hotelka Naasa Hablood-2.

    Waxaa weli iska soo daba dhacaya wararka la xiriira weerarkii lagu qaaday hotelka Naasa hablood-2, waxaana goor dhow la xaqiiiyey in masuuliyiinta lagu dilay gudaha hotelka uu jiro Wasiirkii Arrimaha Gudaha Maamulka Koofur Galbeed Madoobe Nuunow Max

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa weli iska soo daba dhacaya wararka la xiriira weerarkii lagu qaaday hotelka Naasa hablood-2, waxaana goor dhow la xaqiiiyey in masuuliyiinta lagu dilay gudaha hotelka uu jiro Wasiirkii Arrimaha Gudaha Maamulka Koofur Galbeed Madoobe Nuunow Maxamed.

Madoobe Nuunow oo sidoo kale xilal illaa heer wasiir ah ka soo qabtay xukuumadihii kmg ahaa ee Somalia ayaa ka mid ahaa masuuliyiinta mudada dheer degenaa hotelkaas marka uu joogo magaalada Muqdisho.

Tirada dadka ku dhintay weerarka galabta illaa caawa ka socda Muqdisho ayaa gaartay illaa 27 ruux, iyadoo dhaawacuna gaaray ku dhowaad 40 kale sida ay xaqiijiyeen shaqaalaha gaadiidka gurmadka deg deg ah iyo saraakiisha caafimaadka Isbitaalada la geeyey dhaawacyada.

Wasiir ku-xigeenkii hore ee Xanaanada Xoolaha Somalia C/naasir Gaarane iyo taliyaha ciidanka Booliska degmada Dayniile Max’ed Yuusuf Nuur (Fanax Xagaley) ayaa sidoo kale ka mid ah masuuliyiinta dowlada ee weerarkan lagu dilay.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip