Masuuliyiintii Galmudug ee ka soo horjeeday madaxweyne Xaaf oo Muqdisho soo gaaray (Da.

0
Saturday October 28, 2017 - 18:20:38 in Wararka
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masuuliyiintii Galmudug ee ka soo horjeeday madaxweyne Xaaf oo Muqdisho soo gaaray (Da.

    Waxaa galabta magaalada Mu qdisho soo gaaray Madaxweyne ku-xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamanka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey iyo Cali Gacal Casir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa galabta magaalada Mu qdisho soo gaaray Madaxweyne ku-xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamanka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey iyo Cali Gacal Casir.

Masuuliyiintan oo khilaaf xoogan uu dhexmaray Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale (Xaaf) ayaa ku jiray xabsi guri magaalada Cadaado tan iyo markii uu khilaafku bilowday.

Socdaalka ay ku yimaadeen magaalada Muqdisho ayaa dambeeyey markii uu u yeeray Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajom waxaana soo qaaday dayuurad qaas ah oo dowladu u dirtay.

Madaxdan ayaa markii ay soo gaareen Muqdisho waxay sheegeen iney u yeereen madaxda dowlada balse aysan ogeyn waxyaabaha lagala hadli doono.

Madaxweynaha Galmudug Xaaf ayaa ka horeeyey saaka soo gaaray Magaalada Muqdisho, waxaana jira warar sheegaya in madaxda dowladu ay doonayaan iney dhexdhexaadiyaan labada dhinac si ay mar kale u wada shaqeeyaan, lamana oga waxa ka suuragali doona isku daygan, iyadoo dowladu ay bedeshay siyaasadii ka dhanka aheyd Madaxweyne Xaaf.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip