Tirada dhimashada qaraxii Naasa hablood-2 oo korortay & Masuuliyiin la soo badbaadiyey.

0
Saturday October 28, 2017 - 18:04:49 in Wararka
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tirada dhimashada qaraxii Naasa hablood-2 oo korortay & Masuuliyiin la soo badbaadiyey.

    Waxaa sii kordhaya khasaaraha nafeed ee ka dhashay qaraxii lagu weeraray ka dhacay Hotelka hablood-2 ee magaalada Muqdisho oo caawa ay ka dhex degaalamayaan dabley qaraxa ka dib gudaha u gashay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa sii kordhaya khasaaraha nafeed ee ka dhashay qaraxii lagu weeraray ka dhacay Hotelka hablood-2 ee magaalada Muqdisho oo caawa ay ka dhex degaalamayaan dabley qaraxa ka dib gudaha u gashay.

Tirada dadka ku dhintay qaraxa galabta ayaa gaartay illaa 27 ruux, iyadoo dhaawacuna gaaray ku dhowaad 40 kale sida ay xaqiijiyeen shaqaalaha gaadiidka gurmadka deg deg ah iyo saraakiisha caafimaadka Isbitaalada la geeyey dhaawacyada.

Qaraxa ayaa sidoo kale burbur xooggan u geystay hotelka Central oo ku dhegan hotelka la weeraray ee Naasa hablood-2 iyo maqaayada Banooda oo ka soo horjeeda labada hotel, waxaana sidoo kale burburay gaadiid fara badan oo wadada marayey xiligaas.

Dhinaca kale wararka ayaa sheegaya in gaariga qaraxa loo adeegsaday uu ahaa kuwa xamuulka ama iska rogayaashaa ee loo yaqaano UD, kaasoo dad goob joogayaal ay sheegeen inuu duhurkii goobta yiilay, iyadoo raggii watayna ay sheegayeen inuu ka ciladoobay, waxaana muuqata iney qarxinta gaariga la sugayeen dableyda gudaha gashay inta ay goobta ka soo gaarayaan.

Illaalada labada hotel ayaa lagu dhaliilay ineysan feejignaan dheeri ah iyo shaki ka muujinin gaarigan saacadaha badan hortooda yiilay.

Rasaas goos goos ah ayaa weli laga maqlayaa gudaha iyo hareeraha hotelka Naasa hablood 2 halklaasoo ay caawa ka dhex dagaalamayaan ragii gudaha u galay oo 3-4 nin lagu qiyaasayo, lamana oga xaalada masuuliyiinta iyo dadka kale ee degenaa hotelkaas oo weli halkaas ku go’doonsan.

Wasiirka, amniga Qaranka taliyaha nabad sugida iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa jooga agagaarka hotelka halkaasoo ay kala socdaan howlgalka ka socda gudaha hotelka, waxaana ciidamada amaanku ay ka soo saareen hotelka masuuliyiin ku go’doonsanaa, iyadoo weli socdaan dedaalo lagu soo badbaadinayo masuuliyiinta iyo dadka kale oo weli ku jira hotelka.

Ciidamo aad u hubeysan ayaa jaray dhamaan wadooyinka soo gala agagaarka hotelka naasa hablood 2 iyo nawaaxigiisa, waxaana xiran goobaha ganacsiga ee halkaas ka furnaa, dhaqdhaqaaqa dadkuna waa mid aad u yar.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip