(Sawirro cusub) Dabley ka dhex dagaalameysa hotelka Naasa Hablood-2 iyo Wararkii ugu dambeeyey.

0
Saturday October 28, 2017 - 18:00:11 in Wararka
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    (Sawirro cusub) Dabley ka dhex dagaalameysa hotelka Naasa Hablood-2 iyo Wararkii ugu dambeeyey.

    Rasaas la isweydaarsanayo iyo qaraxyo loo adeegsanayo bambooyinka gacanta laga tuuro ayaa laga maqlayaa gudaha iyo agagaarka hotelka kuwaasoo ay soo tuurayaan dableyda ka tirsan Al-shabaab oo tiradooda rasmiga ah aan la ogeyn balse lagu qiyaasayo 3-4

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rasaas la isweydaarsanayo iyo qaraxyo loo adeegsanayo bambooyinka gacanta laga tuuro ayaa laga maqlayaa gudaha iyo agagaarka hotelka kuwaasoo ay soo tuurayaan dableyda ka tirsan Al-shabaab oo tiradooda rasmiga ah aan la ogeyn balse lagu qiyaasayo 3-4 nin iney yihiin.

Masuuliyiin ka tirsan dowlada Somalia oo isugu jira xildhibaano ka tirsan labada gole, wasiiro iyo dad kale ayaa ku go’doonsan gudaha hotelka kuwaasoo ka mid ahaa dadka degan, waxaana soconaya gurmad la doonayo in lagu soo badbaadiyo, illaa haddana lama oga xaalada ay ku sugan yihiin.

Ugu yaraan toban ruux ayaa ilaa hadda la xaqiijiyey ku dhinteen weerarkan, halka dadka badan labaatan kale oo dhaawac ah loo qaaday goobaha caafimaadka ee magaalada, Masuuliyiinta dowlada iyo laamaha amaanka ayaana weli ka hadlin weerarkan.

Waxaa weerarkan uu ku soo aadayaa xili shacabka Muqdisho uu weli dhegahooda ka sii guuxayo qaraxii 14kii bishan ka dhacay isgoyska Zoope kaasoo galaaftay nolosha dad ka badan 400 oo dhamaantood shacab ahaa iyo dhaawac intaas ka badan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip