Wasiir hore oo ka mid noqday dadka ku dhintay weerarka lagu qaaday hotelka Naasa hablood-2.

0
Saturday October 28, 2017 - 17:50:51 in Wararka
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir hore oo ka mid noqday dadka ku dhintay weerarka lagu qaaday hotelka Naasa hablood-2.

    Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan khasaaraha ka dhashay weerarkii galabta qorax dhacii lagu qaaday hotelka Naasa hablood-2 ee magaalada Muqdisho, iyadoo dabley ka tirsan Al-shabaab ay gudaha ugu jiraan illaa caawa kana dhex dagaalamayaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan khasaaraha ka dhashay weerarkii galabta qorax dhacii lagu qaaday hotelka Naasa hablood-2 ee magaalada Muqdisho, iyadoo dabley ka tirsan Al-shabaab ay gudaha ugu jiraan illaa caawa kana dhex dagaalamayaan.

Wasiir ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda xanaanada xoolaha ee Xukuumada Soomaaliya C/naasir Gaarane ayaa la sheegay inuu ka mid noqday dadka ku dhintay weerarkan wuxuuna degenaa hotelka la weeraray oo sidoo kale masuuliyiin badan ay degan yihiin.

Masuuliyiin ka tirsan dowlada ayaa xaqiijiyey geerida C/naasir Gaarane oo sidoo kale ka mid ahaa xildhibaanada Baarlamankii hore ee dowlada Somalia.

Dagaal ayaa ka socda weli hotelka gudihiisa kaasoo dhexmaraya ciidamada amaanka iyo raga hubeysan ee gudaha u galay.

Waxaa sidoo kale saacad ka hor la xaqiijiyey inuu weerarkii Naasa hablood2 ku dhintay Max’ed Yuusuf Nuur (Fanax Xagaley) oo ahaa taliyihii saldhiga Booliska degmada Dayniile kaasoo gaari uu la socday uu qaraxii hore ku qabsaday wadada hormarta albaabka Naasa hablood.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip