Daawo Sawirada "Qarax labaad oo dhacay & rag hubeysan oo gudaha u galay hotelka Naasa hablood-2.

0
Saturday October 28, 2017 - 17:35:41 in Wararka
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawirada "Qarax labaad oo dhacay & rag hubeysan oo gudaha u galay hotelka Naasa hablood-2.

    Qarax labaad ayaa goor dhow ka dhacay agagaarka kaalin shidaal oo ku yaalla taalada daljirka dahsoon ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qarax labaad ayaa goor dhow ka dhacay agagaarka kaalin shidaal oo ku yaalla taalada daljirka dahsoon ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa labaad ayaa yimid wax yar ka dib markii qarax kale oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey lagu weeraray hotelka naasa hablood 2 oo ku yaalla agagaarka guriga hooyooyinka degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir, kana fogeyn goobta qaraxa labaad uu ka dhacay.

Qaraxii hore ayaa waxaa xigay rasaas culus iyadoo rag hubeysan ay weerareen hotelka Naasa hablood-2

Ugu yaraan toban ruux ayaa la xaqiijiyey iney ku dhinteen qaraxii hore kuwaasoo isugu jira ilaalada hotelka iyo dad kale oo goobta ku sugnaa.

Waxaa cakiran goobtaas iyadoo rasaas culus ay isweydaarsanayaan raga hotelka weeraray iyo ciidamada amaanka, sidoo kale waxaa goobta gaaray gaadiidka gurmadka deg deg ah ee ambalaasyada oo halkaas ka qaadaya meydadka iyo dhaawacyada.

Lama oga sida xaalkoodu yahay wasiirada, xildhibaanada iyo dadka kale ee hotelkaas degan, ciidamada amaanka ayaa xiray wadooyin badanoo ka tirsan magaalada waxaana joogsaday socodkii dadka iyo gaadiidka.

La soco wixii warar ah ee ka soo kordha insha ALLAAH




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip