Axmed Madoobe oo fariin u diray Dowladda Somaliya

0
Monday October 09, 2017 - 09:14:44 in Wararka
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axmed Madoobe oo fariin u diray Dowladda Somaliya

    Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa fariin u diray Dowladda Federalka Somaliya, iyadoo uu xun yahay xiriirka ka dhaxeeya Dowladda Somaliya Iyo Maamul Goboledyada dalka ka jira.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa fariin u diray Dowladda Federalka Somaliya, iyadoo uu xun yahay xiriirka ka dhaxeeya Dowladda Somaliya Iyo Maamul Goboledyada dalka ka jira.
Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam wuxuu sheegay in Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah looga baahan yahay in ay nidaam Dowladnimo ahaan iskula falgalaan oo la tashiyada iyo iska warqabka la badiyo si ay u yaraadaan khilaafyada sababi kara in wadankeenu uu dib u dhac kale la kulmo.

"Soomaaliya waxay maraysaa meel u baahan taxadar iyo ka fiirsasho badan oo runtii ay tahay Dowlada Federaalka ah in ay wax badan xeeriso ma joogno xiligii aan fariimo iyo warqado isugu jawaabi lahayn waa in aan dalka u turnaa.” ayuu yiri Madaxweynahu.


Madaxweynahu wuxuu Dowlada Federaalka ah ku booriyay in ay doorkeeda qaadato oo ay wax badan latashiyo ka samayso intii go’aan la isaga daba iman doono ama buuq dhaliya ay kaligeed gaari lahayd.

Wuxuu ku baaqay in Soomaalida ay noqdaan dad is xalin kara oo arimahooda gudaha ah dhamaysan karaan iyadoo aan loo hoostagin shisheeye iyo wadamo dibada ah.

Isagoo ka hadlaayay sida ay muhiimka u tahay in Dowlada Dhexe iyo Dowladaha xubnaha ka ah ay muujiyaan masuuliyad iyo is tixgalin wuxuu ugu baaqay qof walba oo dalkan masuuliyad ka haya in uu rajo galiyo Bulshada oo aan wax niyadooda hoos u dhigaya la samayn.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip