Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo ka hadlay khilaaf la sheegay inuu kala dhexeeyo C/wali Gaas

0
Monday October 09, 2017 - 11:05:37 in Wararka
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo ka hadlay khilaaf la sheegay inuu kala dhexeeyo C/wali Gaas

    Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Puntland Eng C/llaahi Cumar Camey ayaa beeniyey in wax khilaaf ah ka dhex jiro madaxda Puntland gaar ahaan isaga iyo madaxweyne Gaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Puntland Eng C/llaahi Cumar Camey ayaa beeniyey in wax khilaaf ah ka dhex jiro madaxda Puntland gaar ahaan isaga iyo madaxweyne Gaas.
Camey oo fasax ku jooga dalka Zambia ayaa ku tilmaamay war aan sal iyo raad lahayn wararka sheegaya inuu khilaaf ka dhex aloosan yahay madaxda ugu saraysa Puntland.

Mar uu ka hadlay shirka Kismaayo wuxuu codsaday in la cadeeyo ajendihiisa, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyey qoraalo ku saabsan shirka oo uu sheegay inuu akhristay, wuxuuna tilmaamay inuu noqon doono qofka ugu horeeya ee soo dhaweeya haddii wax Soomaalida u dana uu ka soo baxo shirka Kismaayo uga socda madaxda dowlad goboleedyada.


Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa hadal uu maalmo ka hor ka jeediyey magaalada Garowe xili uu ka dhoofayey ku dhaliilay shirka Kismaayo kaasoo uu xusay ineysan dan ugu jirin shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu hadalkaas dhaliyey shaki ku aadan in khilaaf uu ka dhex jiro madaxweynaha Puntland C/wali Gaas oo taageeray shirkaas, haatana ka qeyb galaya.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip