C/llaahi Sheekh Cumar oo lagu dhaawacay weerar maanta lagula beegsaday Muqdisho

0
Monday October 09, 2017 - 12:02:36 in Wararka
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    C/llaahi Sheekh Cumar oo lagu dhaawacay weerar maanta lagula beegsaday Muqdisho

    Qeybo ka mid ah degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu weeraray Agaasimaha Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha Wasaarada Gaadiidka ee xukuumada Somalia C/llaahi Sheekh Cumar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qeybo ka mid ah degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu weeraray Agaasimaha Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha Wasaarada Gaadiidka ee xukuumada Somalia C/llaahi Sheekh Cumar.
Kooxo hubeysan oo gaari watay ayaa la sheegay iney weerar ku qaadeen C/llaahi Sheekh Cumar oo taagnaa goob shidaalka lagu iibiyo si uu gaarigiisa shidaal ugu shubo.

Masuulka ayaa la xaqiijiyey inuu ka badbaaday weerarkaas balse uu dhaawac fudud ka soo gaaray Garabka oo ay ka haleeshay rasaastii lagu furay, waxaana lagu daweynayaa mid ka mid ah Isbitaalada Muqdisho.

Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu weerarkan ka dhacay, iyagoo baadi goobaya kooxihii weerarkan geystay oo goobta ka baxsaday kuwaasoo la aaminsan yahay iney ka tirsan yihiin Al-Shabaab oo weeraro noocan ah horey ugu qaarajisay masuuliyiin iyo saraakiil ka tirsan dowlada. 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip