Farmaajo oo galabta saddex nin u magacaabay xilalkii ugu horeeyay

0
Thursday February 16, 2017 - 16:42:14 in Wararka
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo oo galabta saddex nin u magacaabay xilalkii ugu horeeyay

    Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, ayaa waxaa uu galabta magacaabay xilalkii ugu horeeyay, oo ku aadan Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, ayaa waxaa uu galabta magacaabay xilalkii ugu horeeyay, oo ku aadan Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia.
Madaxweynaha, ayaa qoraal ku magacaabay Danjire Cali Saciid Fiqi in uu noqdo Agaasimaha Madaxtooyada Somaliya.

Madaxweynaha Somaliya, ayaa Xuseen Macalin Maxamuud u magacaabay La taliyaha ammaanka ee Madaxweynaha.

Sidoo kale Madaxweynaha, ayaa qoraalkan ku magacaabay Siyaad Maxamuud Shire in uu noqdo Madaxa Hab Maamuuska ee Madaxtooyada Somaliya.

Danjire Fiqi, ayaa hadda ahaa Danjiraha Somaliya u fadhiya Midowga Yurub ahna Wakiilka Somaliya ee Wadamada Belgium, Holland & Luxembourg.


Xuseen Macalin Maxamuud, ayaa wuxuu horey ula soo shaqeeyay Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka.

Siyaad Maxamuud Shire, ayaa hadda ku magacawnaa Qunsulka Somaliya ee Wadanka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Madaxweyne Farmaajo oo maanta uun si rasmi ah ula wareegay Xafiiska Madaxtooyada, ayaa xubnaha uu soo magacaabay waxaa ay noqonayan kuwoodii ugu horeeyay ee uu magacaabo, tan iyo markii uu u soo wareegay Villa Somalia.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip