Daawo Sawirro: Faahfaahino ka soo baxaya khasaare dhimasho oo ka dhashay duqeyntii Villa Somalia

0
Thursday February 16, 2017 - 14:00:25 in Wararka
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawirro: Faahfaahino ka soo baxaya khasaare dhimasho oo ka dhashay duqeyntii Villa Somalia

    Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan tiro madaafiic ah oo maanta ku soo dhacay xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho, iyadoo madaafiicdan ay ahaayeen kuwa si xoogan looga maqlay qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan tiro madaafiic ah oo maanta ku soo dhacay xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho, iyadoo madaafiicdan ay ahaayeen kuwa si xoogan looga maqlay qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Madaafiicdan ayaa ku dhacday qeybo ka mid ah Degmada Wardhiigley gaar ahaan xaafado ku dhaw dhaw xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, lamana oga in madaafiicda qaarkood ay gudaha ugu dhaceen Madaxtooyada.

Madaafiicda lagu weeraray Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa gaarayay illaa 4 madfac.
Mid ka mid ah madaafiicdan ayaa ku habasaday guri ay degan yihiin qoys danyar ah oo ku yaalla agagaarka iskuulka 15-ka May oo ku dhow Madaxtooyada.


Labo caruur ah oo qoyskaas ka tirsanaa ayaa ku geeriyootay madfacaas halka labadii waalid ee caruurtaas dhalay ay ku dhaawacmeen kuwaasoo la dhigay isbitaal ku yaalla magaalada.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir oo booqday gurigaas ayaa ku eedeeyey Al-shabaab iney soo tuureen madaafiicdan, ayna laayeen shacab aan waxba galabsan.

Madaafiicdan lagu garaacay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa kusoo aadeysa xili saacado ka hor uu xilka si rasmi ah ula wareegay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo kadib munaasabad kooban oo ka dhacday Villa Soomaaliya





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip