Dowladda Somaliya oo sheegtay 22-ka Bishan duulimaadyada Garoonka Aadan Cadde in la hakinaayo

0
Wednesday February 15, 2017 - 11:44:35 in Wararka
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Somaliya oo sheegtay 22-ka Bishan duulimaadyada Garoonka Aadan Cadde in la hakinaayo

    Dowladda Somaliya ayaa sheegtay in 22-ka Bishan wax duulimaad ah uusan ka jiri doonin Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, sida ay sheegtay Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Somaliya ayaa sheegtay in 22-ka Bishan wax duulimaad ah uusan ka jiri doonin Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, sida ay sheegtay Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada.
Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada waxa ay sheegtay sababta loo joojiyay duulimaadka inay tahay caleemo saarka Madaxweynaha cusub ee dalka Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo dhaceysa maalinta Arbacada todobaadka soo socda.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaarada ayaa lagu sheegay in lagu wargelinaayo dhamaan Shirkadaha Diyaaradaha ee Garoonka Aadan Cadde ka shaqeeya inay sii ogaadaan arintaasi.

Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa sheegtay inay muhiim tahay dhaq-dhaqaaqa Garoonka Aadan Cadde in la hakiyo, maadaama dalka si rasmi ah ay uga dhaceyso Caleemo saarka Madaxweynaha cusub.


Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeyn doonaa maalintaasi oo ay dhaceyso Munaasabada lagu caleema saarayo Madaxweynaha cusub ee dalka.

Madaxweynaha cusub ee dalka Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa la doortay 8-sideedii Bishan, ilaa xilligaana wuxuu ku shaqeeya Hotel Jazeera ee Magaalada Muqdisho.

Garoonka



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip