Daawo Sawirada: Kenya oo Shaacisay Magaca iyo Sawirka mid kamid ah ragii isku qarxiyay Kulbiyoow

0
Tuesday February 14, 2017 - 12:03:14 in Wararka
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawirada: Kenya oo Shaacisay Magaca iyo Sawirka mid kamid ah ragii isku qarxiyay Kulbiyoow

    Dowlada Kenya ayaa shaaca ka qaaday in Muwaadin u dhashay dalka Kenya uu kamid ahaa ragii fuliyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday xero ciidankooda ku lahaayeen deegaanka Kulbiyoow kahor inta aysan dagaalyahano hubeesan xeradaasi weerar to

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowlada Kenya ayaa shaaca ka qaaday in Muwaadin u dhashay dalka Kenya uu kamid ahaa ragii fuliyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday xero ciidankooda ku lahaayeen deegaanka Kulbiyoow kahor inta aysan dagaalyahano hubeesan xeradaasi weerar toos ah ku galin.
Kenya ayaa sheegtay in Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee xeradooda lagu galay kahor inta uusan weerarka tooska ah bilaanan uu fuliyay Anwar Yogan Mwok oo ahaa muwaadin Kenyan ahaa oo Kooxda Al Shabaab ku biiray sanadii 2013-kii .

Anwar Yogan Mwok ayaa ku dhashay Gobolka Siaya ee dalka Kenya Sanadkii 1981kii, waxa uuna ninkan markiisii hore ahaa Kirishtaan gadaal dambe ka noqday Muslim, waxa uuna Al Shabaab kula biiray dhalinyaro kale oo Kenyan ah ay saaxiibo ahaayeen.


Sida Dowlada Kenya sheegtay Anwar Yogan Mwok iyo dhalinyaro kale oo Kenyan ah ayaa xubno ka ahaa garabka Al Shabaab u qaabilsan dalka Kenya ee loo yaqaan Jeysh Ayman, waxa ayna inta badan Anwar iyo saaxiibadii ku qal qaalin jireen dhalinyarada Kenya in Shabaab kusoo biiraan.

Anwar Yogan ayaa qoyskiisa kula noolaa magaalada Niarobi ee caasimada dalka Kenya, waxa uuna kamid ahaa koox kubada cagta ciyaarta oo lagu magacaabo Mathare United Soccer Club, waxa uuna markii dambe saaxiib la noqday dhalinyaro Muslim ah oo noloshiisa wax ka badashay.

Dowlada Kenya ayaan wali shaacin qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkii lagu qaaday Deegaanka Kulbiyoow ee gobolka Jubada Dhaxe, Al Shabaab ayaana sheegtay in weerarkaasi ku dileen ku dhawaads 100-askari.







Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip