Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay Heshiiskii dhax maray Dowlada Imaaraatka iyo Somaliland

0
Tuesday February 14, 2017 - 10:56:04 in Wararka
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay Heshiiskii dhax maray Dowlada Imaaraatka iyo Somaliland

    Hanti dhowrka guud ee Qaranka Soomaaliya Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa ka hadlay heshiiska dhax maray maamulka Somaliland iyo Dowlada Imaaraatka Carabta ee lagu wareejiyay Dekadda iyo garoonka Diyaaradaha magaalada Berbera.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hanti dhowrka guud ee Qaranka Soomaaliya Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa ka hadlay heshiiska dhax maray maamulka Somaliland iyo Dowlada Imaaraatka Carabta ee lagu wareejiyay Dekadda iyo garoonka Diyaaradaha magaalada Berbera.
Hanti dhorka ayaa sharci daro ku tilmaamay heshiiska Dowlada Imaaraatka kula wareegeyso dhul kuyaala Soomaaliya, waxa uuma tilmaamay in heshiiskan oo labo afle ah ay ka dambeeyeen masuuliyiimn katirsan dowlada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

''Waa sharci daro heshiiskan oo dabada ku haya musuq maasuq, heshiiskan waxaa muuqata in uu yahay labo afle ay ku lug leeyihiin masuuliyiin katirsan Dowlada Federaalka iyo Maamulka Somaliland'' Ayuu yiri Hanti dhorka Qaranka


Dr Nuur Faarax ayaa tilmaamay in uu horey u jiray heshiis maamulka Somaliland ula galeen Shirkad laga leeyahay Imaaraatka kuna wareejiyeen Dekadda Berbera sidoo kale qalad ka dhacay heshiiskaasi uu sababay heshiiskan kale ee saldhiga Milatariga lagu siiyay Imaaraatka Carabta.

Maamulka Somaliland ayaa Dowlada Imaaraatka kala saxiixatay Heshiis lagu siinayo Imaaraatka Saldhig Milatari ay ka sameesanaya garoonka diyaaradaha magaalada Berbera iyo sidoo kale Heshiis Dekada Berbera lagu siiyay shirkad laga leeyahay Imaaraatka Carabta. 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip