Duuliye Asli Calansida oo Maanso qiiro leh ka tirisay Madaxweynaha cusub ee Somalia

0
Tuesday February 14, 2017 - 09:52:36 in Wararka
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duuliye Asli Calansida oo Maanso qiiro leh ka tirisay Madaxweynaha cusub ee Somalia

    Duuliye Asli Xasan Cabaade (Calansida) oo ah haweeneydii ugu horeysay Soomaaliya ee duulisa dayuurad dagaal kana tirsaneyd ciidankii cirka Soomaaliyeed ayaa hambalyo kal iyo lab ah u soo dirtay Madaxweynaha cusub ee Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Duuliye Asli Xasan Cabaade (Calansida) oo ah haweeneydii ugu horeysay Soomaaliya ee duulisa dayuurad dagaal kana tirsaneyd ciidankii cirka Soomaaliyeed ayaa hambalyo kal iyo lab ah u soo dirtay Madaxweynaha cusub ee Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo. Waxay intaa ku dartay in Madaxweyne Farmaajo horey loo soo arkay waxqabadkiisa, haatana ay ku rajo weyn tahay inuu wax badan ka bedeli doono xaalada Somalia, iyadoo ALLE uga barisay inuu la garab galo gudashada waajibaadkiisa. 
Asli Calansida oo haatan ku nool magaalada Dallas, gobolka Texas ee dalka Maraykanka ayaa shabakada Allbanaadir soo gaarsiisay Maanso gaaban oo ay ka tirisay doorashada Madaxweyne Farmaajo waxayna ku bilowday.

Haybad iyo wanaag Farmaajoow, Allaa Hiba kugu siiyaye 
Hayinkii baxsani Awrta, wuu ugu horreeyaaye 
Shacabkiibaad u hiillisoo, Lama-Huraan baad tahaye 
Habaaskii waataad ka huftayood, hurda isaseegteene 
Hareerta waxaa innaga xiga, hur iyo daacuune 
Halis inuu yahay cadaw, hohey haatan la'ogaaye 
Hubkeey isugu dhiibeen dhammaan, wakaa lagu wada hoobtaye 
Ciidankii kala habaabay, isku soo wada habeeyoo 
Horumar aan caadi ahayn, iyo heer sare gaadhsii 
Hubaal weeye Ciidankii, inaad hiilla adag siinne 
Waxaad tahay Halyey wacanoo, loo-wada hanwenyahaye 


********************************************************* 
Hawshii halleysneyd wakaa, aad kala wada huftaye 
Hayaankaannu dooneynay, wakaa' aad horumarisaye 
Hoggaankii wacnaa waadigii, aad ugu horseeddaye 
Heshiis bey galeen Maalintaad, hawsha' aad bilowdaye 
Hugunkoodii waadigii wadnaha, hoos u wada gooyaye 
Hanjabaaddoodii dhammaan, way kuwada hungoobeene 
Habaar iney qabaan cadaw, waydin hodayaane 
Adigiyo Hanaddadaadii, laad kuwada hurgufteene 
Halyey Ninkii noqdaa, Ragguu Haybad dheeryahaye 
Hambalyaan ku leennahay dhammaan, hawshanaad inoo hayso 
Hayeeshee Dadkaa kuu hammiyoo, kuu wada hilowsane 
Hoggaanka hay Soomaaloo dhanbaa, kuu wada hanweyne





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip