Masuuliyiin cusub oo loo magacaabay Maamulka Degmada Baledweyne.

0
Tuesday January 10, 2017 - 08:07:59 in Wararka
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masuuliyiin cusub oo loo magacaabay Maamulka Degmada Baledweyne.

    Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble, ayaa xilalkii si rasmi ah uga qaaday masuuliyiinta Maamulka Degmada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan iyo Guddoomiye ku xigeenkii Degmada Matabaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble, ayaa xilalkii si rasmi ah uga qaaday masuuliyiinta Maamulka Degmada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan iyo Guddoomiye ku xigeenkii Degmada Matabaan.

Cali Cabdulaahi ayaa magacaabay masuuliyiin cusub oo qaban doona xilalka Guddoomiyaha Degmada Baledweyne ku xigeenkiisa iyo Guddoomiye ku xigeenka Degmada Matabaan.

Guddoomiyaha Degmada Baledweyne waxaa loo mgacaabay Maxamed Axmed Ibraahim (Food Cadde) halka uu Guddoomiye ku xigeenka Degmada Baledweyne loo magaacabay Khadar Xasan Afrax,Guddoomiye ku xigeenka Degmada Matabaan ayaa loo magacabay Ducaale Aadan Cabdi.

Isbedelkaan uu sameeyay Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle, ayaa looga gol leeyahay sida masuuliyiinta ay sheegeen dar dargelinta howlaha Maamulka Degmada Baledweyne.

Masuuliyiintii Maamulka Degmada Baledweyne ee xilalkaan laga qaaday ayaa waxa ay kala yihiin Guddomiyihii Degmada Baledweyne Maxamed Cismaan Cabdi Qalafow iyo Guddoomiye ku xigeenkiisii dhanka Maaliyada Muuse Cabdi Daahiye.

Maalmaha soo socda ayaa la rajeynayaa masuuliyiintaan inay si rasmi ah ula wareegaan xilalka cusub ee Maamulka Hirshabelle u magacaabay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip