100 ruux oo Somali ah oo lagu xiray dalka Sudan

0
Tuesday January 10, 2017 - 07:31:09 in Wararka
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    100 ruux oo Somali ah oo lagu xiray dalka Sudan

    In ka badan 100 ruux oo Somali tahriibayaal ah ayaa lagu xiray dalka Sudan, kadib markii ay qabteen ciidamada ammaanka dalkaasi, sida ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Safaaradda Somaliya ee dalka Sudan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

In ka badan 100 ruux oo Somali tahriibayaal ah ayaa lagu xiray dalka Sudan, kadib markii ay qabteen ciidamada ammaanka dalkaasi, sida ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Safaaradda Somaliya ee dalka Sudan.

Fiidow Maxamud Fiidw, Madaxa warfaafinta safaaradda Somalida ee Sudan ayaa sheegey in Somali badan ay ku jiraan tahriibayaal ay qabteen ciidamada ammaanka dalka sudan, isagoo arrintaasi ka hadlaya waxaa uu yiri:

"Tirada dadka guud, waxaa ku jira 101 oo Somali ka ah, 34 waa haween, iyaggoo xuduudda u sii socda ayaa la soo qabtey, dadka tahriibiyaasha ah dowladda sudan sharci ayaa uga yaallo waxaa lageeyaa xurumaha dambi baarista, ciddii dambi lagu waayo waxaa loo wareejiyaa dhanka qaxootiga UNka ah , waa la celinaa haddii ay doonayaan iney noqdaan haddii kale waxaa loo isticmaalayaa xeerarka caalamiga ah ee qaxootiga ahaan ah oo meel lagu xareeyo.”Ayuu yiri Fiidow

"Safaaradda waxay inta badan ay qabataa wacyi gelinta dadka Soomaalida halkaan joogo , safaaradda sidoo kale waxay qabataa oo ay la dagaalantaa dadka tahriibka, waxay qabatahy in ka badan 10 muqalisiin, waxay arrinkaas la kaashataa dowladda Suudaan , waana lagu guuleystay, taasi waxaa ay keentey in Khartuumo tahriibkeeda yaraado, Tahriibka hadda waxaa uu ka jiraa Darfuur iyo dhankaas Libya.

Waxaa la isweydiinayaa go’aan noocee ah ayeey Sudan ka qaadanaysaa dadkaasi ay gacanta ku dhigtay ee Somalida ah.

"Dadkaan la soo qabtay ilaa iyo hadda wax go’aan ah kama gaarin sababtoo ah waxa uu dhahay maalintii axada aheed wailba habeenkii sabtida ay soo galaysay maxkamad iyo wax kale waxayna u badantahy in lagu xukumo ganaax lacageed ama in lasoo celiyo maadaama hadda wadanka Soomaaliya ay ka jiraan dhibaatooyin” Fiidow ayaa ku jawaabey.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip