Daawo:Madaxweynaha Hirshabelle oo ciidamo tababar ugu soo xiray Magaalada Baledweyne.

0
Saturday January 07, 2017 - 13:28:22 in Wararka
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Madaxweynaha Hirshabelle oo ciidamo tababar ugu soo xiray Magaalada Baledweyne.

    Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble, ayaa maanta oo Sabti ah magaalada Baledweyne wuxuu tababar ugu soo xiray ciidamo ka tirsan Nabad Suggida Maamulka Hirshabelle.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble, ayaa maanta oo Sabti ah magaalada Baledweyne wuxuu tababar ugu soo xiray ciidamo ka tirsan Nabad Suggida Maamulka Hirshabelle.

Ciidankaan oo tiradooda ay gaareyso 50 Askari ayaa ah ciidankii ugu horeeyay ee loo tababaro Maamulka Hirshabelle, iyadoo Munaasabada tababarka loogu soo xiraayay hadalo ay ka jeediyeen Madaxda Maamulkaasi.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Cismaan Jayte, ayaa madasha ka sheegay dhibaatooyin kala duwan inay haystaan ciidamada ku sugan Gobolka Hiiraan.

Waxa uu sheegay ciidamada inay ku shaqeeyaan Mushaar la’aan iyaga oo naftooda u hurayaan suggida ammaanka iyo la dagaalanka Ururka Al Shabaab.

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble, ayaa balan qaaday inay ku dadaalayaan sidii ay u bixin lahaayeen Mushaaraadka ciidamada.

Waxa uu kula dar daarmay ciidamada Maamulka Hirshabelle inay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara isku dhaca dhexdooda ah iyo inaysan si wanaagsan ugu adeegin Bulshada.

Ciidamada Nabad Suggida ee maanta tababarka loo soo xiray ayaa waxaa loo qaybin doonaa dareeska ciidanka iyo hubka, waxaana ay guda geli doonaan shaqada loo soo tababaray.

ciidan-tababar-1ciidan-tababar-2ciidan-tababar-3ciidan-tababar-4ciidan-tababar-5ciidan-tababar-6ciidan-tababar-7ciidan-tababar-8ciidan-tababar-9ciidan-tababar-10




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip